Feb 7,2010
Hargeysa (Warsanmag) — Warbixin kooban oo lagu daabacay
websiteka ERIS shirkaddii Ingiriiska ahayd ee deeq bixiyaashu u xuleen inay
kala shaandheeyaan macluumaadka diiwaangelinta codbixiyaasha JSL iyo in ay cayimaan
wakhtiga doorashadu dhici karto, iyaga oo ka duulaya ARRIMAHA FARSAMADA oo keliya
oo aan dhinaca siyaasadda la raacin ayaa si cad u tilmaamaysa in la filayo in
doorashadu dhacdo sanadka aakhirkiisa.
Shirkadaa Ingiriska ee ERIS waxay ku faafisay website-keeda inay arrintii ay
u xilsaarnaayeen ee ahayd sifaynta macluumaadka codbixiyaasha ay hore afar khabir
u soo direen Somaliland kuwaas oo kale ahaa, kuwa ku xeel dheer maamulka doorashooyinka,
farsamada diiwaangelinta, dhinaca nabadgelyada (security and logistics), iyo
tababarada maamulayaasha doorashooyinka.
Waxa kale oo lagu sheegay inay kooxdaasi soo gebegebeeyeen hawshaa una gudbiyeen
Komishanka Qaranka ee Doorashooyinka (KQD) talooyinkii ku saabsanaa sida loo
geli karayo kala sifaynta macluumaadka diiwaangelinta iyo wakhtiga ay qaadan
karto hawshaas iyo kuwa kale ee hadhay. Waxa kale oo lagu sheegay inay ERIS
ay bixisay tababar KQD oo ay kala qaybqaateen hay’addo kale oo khibrad
ku leh amoorahaas.
Ugu dambayn macluumaadka website-ka ku yaala waxay ERIS ku faafisay shaqaale
raadis khubaro la shaqeeya KQD oo ay yidhaadeen waxay kala shaqayn doonaan KQD
u diyaargarowga doorashooyinka la filayo inay dhacaan SANADKA AAKHIRKIISA.
Intaa kor ku qoran Waaheen waxay ka soo xigatay website-ka ERIS..waxbana kamaanu
tegin waxbana kumaano darin.
Hadaba hadii ay dhabtahay in ERIS ay talooyin iyo jadwal u gudbisay KDQ, ma
soogaadhay jadwalkaasi asxaabta qaranka ee iyagu ku tartamaya. Waxaanu isku
daynay inaanu wax ka weydiino madaxda asxaabta qaar ka mid ah…khaas ahaan
UCID iyo KULMIYE labada kooxoodna waxay noogu jawaabeen inay iyagu u haystaan
in arrimahaas oo dhan la dhameeyey doorashaduna aanay bil ilaa laba bilood dib
uga dhaceyn. Mar shalay Hadhwanaagnews waraystay Guddoomiyaha UCID, Faysal Cali
Waraabe, wuxuu isna sheegay inay gaabis jiro xagga farsamada laakiin uu imika
filayo inay doorashadu dacdo April ama horaanta May.
Source: Waheeen