Feb 7,2010.
Waxa Uu Beeniyay In Go’aankii Xayiraada Lagaga Qaaday
Xoolaha Soomaalidu Ahaa Mid Lagu Degdegay
Wasiirka Beeraha ee boqortooyada Sucuudiga Dr.Fahad Bil-Quneem
ayaa sheegay inay si buuxda ugu kalsoon yihiin shahaadadaha caafimaadka xoolaha
ee uu bixiyo maxjarka Berbera ee ay maamusho shirkadda Gulf International ee
fadhigeedu yahay Rasal Khayma ee dalka Imaaraadka Carabta.
Shir jaraa’id oo uu maalintii Salaasadii ku qabtay caasimada Sucuudiga
ee Riyadh, wasiir Bal-Quneemi waxa uu si kulul ugu beeniyay warar uu wargeyska
maxali ah oo Sucuudi ah ku daabacay toddobaadkan oo ku tilmaamay go’aankii
ay Wasaaradda Beeruhu ku qaaday xayiraadii saarneyd soo gelitaanka xoolaha Soomaalida
inuu ahaa mid lagu degdegay iyo in wasaaradu ay go’aankaas gaadhay iyada
oo aan wefti farsamo u dirin labada Maxjar ee Berbera iyo Boosaaso, si loo soo
ogaado habka ay u shaqeeyaan iyo tayada iyo kartida qalabka iyo shaqaalaha ay
adeegsadaan.
Dr.Bal-Quneemi oo arrintaasi ka jawaabayaana waxa uu yidhi “Wasaaraddu
waxay go’aanka qaadista xayiraada gaadhay kaddib markii ay aragtay warbixin
ay soo saartay hay’ada caafimaadka xoolaha ee adduunka OIE kaddib markii
ay hay’adaasi koox khubaro ah u dirtay Maxjarada Berbera iyo Boosaaso si
ay u soo qiimeeyaan”.
Wasiirku waxa uu sheegay in warbixintu ay xustay in labada Maxjar ay buuxinayaan
shuruudihii farsamo iyo aqooneed ee lagu xidhi jiray Maxjarada kale ee lagu
baadho caafimaadka xoolaha kahor inta aanay soo gelin dalka Sucuudiga.
“cida shahaadadaha caafimaadka soo saarta ee ansixisaa waa cido rasmi
ah oo aanu ku kalsoonahay shuruudihii farsamo iyo aqooneed siday ka marag kaceyso
hay’ada OIE”.
Bal-Quneem waxa uu qiray in Wasiirka ganacsiga ee xukuumadda TFG uu mar xukuumadda
Sucuudiga ka dalbaday in aanay la macaamilin Maxjarka Berbera balse uu isla
Wasiirkaasi uu soo gaadhsiiyay qoraal dambe oo go’aankiisii hore ka dhigaya
waxba kama jiraan.
Ganacsadaha xoolaha ee Abu Yaasir ayaa isaga oo adeegsanaya Warbaahinta todobaadkan
horaantiisii bilaabay olole uu ku faafinayo dacaayado ka dhan ah caafimaadka
xoolaha dekedda Berbera looga dhoofiyo dalka Sucuudiga, waxaanu Wasaaradda Beeraha
ee dalka Sucuudiga ku dhaliilay xayiraadii ay dhawaan ka qaaday soo gelitaanka
xoolaha Soomaalida, taas oo uu ku tilmaamay inay ahayd talaabo lagu degdagay
iyada oon marka hore la hubin in xoolaha la soo mariyo dekedaha Berbera iyo
Bossaso ay ka caafimaad qabaan cudurka Rift Valley Fever iyo cudurada kale ee
ku dhaca xoolaha ee khatarta ku keeni kara caafimaadka dadka cuna hilibka xoolahaas.
Abu Yaasir oo ah maalqabeen Sucuudi ah oo ka ganacsada xoolo dhoofinta waxa
uu haatan gacanta ku hayaa maamulka maxjarka Djibouti waxanu in muddo ahba ku
dedaalayay inuu Maxjar ka dhisto Berbera. Hase yeeshee waxa arrintaasi kula
tartamay ganacsade kale oo Sucuudi ah oo magiciisa la yidhaahdo, Al-Jaabiri,
kaas oo aakhirkii ku guuleystay in xukuumadda Somaliland siiso ruqsad fasax
ah oo uu ku dhiso Maxjar lagu baadho caafimaadka xoolaha ka hor intaan loo dhoofin
dalka Sucuudiga.
Haddaba Abu Yaasir ayaa haatan u muuqda nin ka qancay in xukuumadda Somaliland
siiso ruqsad uu ku furto Maxjar u gaar ah, waxanu bilaabay inuu Wargeysyada
Sucuudiga ku faafiyo dacaayado uu ku sheegayo in xoolaha laga soo dhoofiyo dekedda
Berbera iyo Boosaaso ay dalka Sucuudiga soo galaan iyada oon la hubinin inay
caafimaad qabaan iyo in kale.
Dacaayadaha Abu Yaasir ka faafiyo caafimaadka xoolaha ka dhoofa Berbera waxa
u dambeeyay maqaal dheer oo arrintaas ku saabsan oo uu todobaadkan soo daabacay
wargeyska Al-Riyaadh oo ka soo baxa caasimadda dalka Sucuudiga, maqaalkaas oo
uu wargeysku ku dhaliilay Wasaaradda Beeraha ee Sucuudiga in dalkoodu xoolo
ka keensado “wadan aan la aqoonsaneyn oo gooni goosad ah, isla markaana
aanu ka jirin wax nidaam iyo kala dambeyn ahi”.
Maqaalka uu wargeyska Al Riyaadh soo bandhigay waxa uu Maxjarka Berbera ku
sheegay inuu yahay mid aan dhameystirnayn oo aan laheyn imkaaniyaadkii caafimaad
iyo farsamo ee loo baahnaa “ Maxjarka Berbera waxa laga dhisay magaalada
Berbera dhexdeeda halkii ay ahayd in uu ka fogaado meelaha ay dadku ku nool
yihiin, waana wax lala yaabo in Maxjarkaas oo ka kooban 42 xero oo qudha ku
filnaado baadhitaanka caafimaadka 480 kun oo neef muddo 8 maalmood ah, sida
dhacday Mawsimkii Xajka, taas oo muujinaysa in xoolaha Sucuudiga soo galay ee
Berbera ka yimid ay badankoodu ahaayeen qaar aan Maxjarka la soo marin oon caafimaadkooda
la baadhin”.
Warageyska Al Riyaadh ma sheegin ilaha uu macluumaadkaas ka soo xigtay.
balse waxa uu daliil uga dhigay Document uu soo daabacay oo ah warqadii caafimaadka
xoolo dhoofinta ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland, taas oo ay Wasaaraddu
ku ogolaanayso 21/11/2009 in shirkadda Gulf International ee maamusha Maxjarka
ay dalka Sucuudiga u dhoofiso 6000 neef.
Al Riyaadh waxa kale oo Wasaaradaha Beeraha iyo Ganacsiga ee dalka Sucuudiga
ku dhaliishay inay tixgelin waayeen warqad uu u soo qoray 21/6/2009 Wasiirka
Ganacsiga ee xukuumadda Sheekh Shariif, taas oo uu kaga dalbanayay in dawlada
Sucuudigu wixii ku saabsan xoolaha Soomaalida ee uu Sucuudigu soo waaridto ay
kala soo xidhiidhaan oo keli ah xukuumadda Federaalka ah ee dhexe oo aanay kala
xidhiidhin cidda gacanta ku haysa maamulada iyo Maxjarada Berbera iyo Boosaaso.
Maqaalkan oo nuxurkiisu ahaa in dawladda Sucuudigu ay xayiraad cusub ku soo
rogto xoolaha ay ka keensato Berbera, waxa uu inta badan ka koobnaa macluumaad
ay Wargeyska siiyeen Abu Yaasir iyo nin Masriga ah oo la shaqeeya oo magiciisa
la yidhaahdo Saalax Al Hindi.
Haatuf