Feb,07 2010
S Warsanmag-Sida uu qeexayo hadiithkii Nabigeena Muxamad(SCWS) ee ahaa
" Walaalkaa u gargaar haddii u gar leeyahay iyo haddii uu gar darran yahay
labadaba"; waxan walaalkay Maxamad Xasan Mataan u soo jeedinayaa inuu raaligelin
ka bixiyo maqaalkiisa ku soo baxay shabakadda Harowo ee uu ku deedifaynayo qaban-qaabada
shirka aqoonyahanka ka soo jeeda Gobolada Awdal iyo Salal, kaas oo uu sheegay
in lagu qabanayo magaalada minsota ee dalka Maraykanka.
Ma muuqato sabab looga hordhaco shir aan wali la shaacinin ajandihiisa; mana
haboona in la male-awaalo ujeedooyin aan sugneyn oo dadka loogu sawirayo "Wax
dumin" - xaasha! Aqoonyahanka Awdal iyo Salal ma geyaan erayada walaalkay
u adeegsaday isagoo hadana ka markhaati kacaya in Aqoonyahanka Awdal uu ahaa kii
dhidibada u taagay Somaliland eel ahaa farsamadii lagu hagayey shir beeleedkii
lagu dhisay Jamhuuriyadda Somaliland; isla markaana qoray Axdi Qarameedkii laga
dheegay ama saldhigga u ahaa Distoorka maanta Qaranka lagu hoggaamiyo.
Sidaa awgeed, aqoonyhanka Awdal & Salal waxbay dhisaan ee wax ma dumiyaan;
sidaasna waxa cadeyn u ah:
1- Hormuudka Jaamacadaha Somaliland ee " Amoud University" ee horseeday
in muddanka kheyraadka oo ah dhalinyarada dalka oon cidlo kaga dhicin aqoonta
iyo waxbarashada.
2- Cusbitaalka dhawaan lagu wareejiyey isla Jaamacadda oo isna caafimaadka guud
ee bulshada kaalin muhiim ah ka gali doona insha Allah. Ilaahay haka abaalmariyo
intii ababuulkiisa laheyd ee Ilaahayna u suurageliyey.
3- Biyaha Awdal, gaar ahaan magaalada Borama ee ka tilmaaman magaalooyinka dalka.
4- Warshadaha qaarna la furay, kuwo kalena ku dabajiraan .
5- ARDAA, IQRA & kuwa kale (the non-profit organizations) ee loo abuuray guud
ahaan horumarinta arrimaha bulshada siiba ka faa'iideysiga kheyraadka dhulkooda
oo iyaguna wada hawlgal ah.
Arimaha siyaasadda ama ololaha ku saabsan doorashada madaxtooyada Somaliland
shirkan aqoonyahanka reer Awdal & Salal inuu waxtar u yeesho mooyaane wax
uu ka ridayaana ma jirto; gaar ahaan madaxweynaha hadda talada haya oo ka soo
jeeda Awdal& Salal. Waxa hadaba ka-hadal iyo tilmaan u baahan:-
1- Golayaasha sharci dajinta sida Guurtida & Wakiilada
oo waqtigoodii dhamaaday ama gabogabo yahay ee imika uun "Kaam Dhugad"
iyo jabhadeyntu ka dhex oogsatay.
2- Xisbiyada mucaaradka een qabyaaladda la gabaneynin ee la wada arkayo abaabulka
iyo heesaha lagu dagaal galayo.
3- Xukuumadda haleelba loo diiday ee lagu hor qalay muwaadiniin aan waxba galabsan;
isla markaana horteeda lagu burburiyey agabkii diiwaangelinta ee iyadu gacanta
ku haysay.
Waxan ku soo gabagabeynayaa, shirka Aqoonyahanka Awdal iyo Salal ma wuxu ka
xanuun batay shirarka qabiilka ee dalka gudihiisa iyo dibaddaba lagu qabto ee
waliba lagu faanayo - jawaabtu waa maya oo way caddahay.
Sidaa darteed,waxan ugu baaqayaa bulshada Awdal & Salal inay shirka soo
dhaweeyaan, cid kasta oo u damqaneysaa haka dambeyso, waxa suuragal ah inuu
faa'iido keeno ee idinkoon shareysanin ka gungaadha ujeedada shirka loogu baaqay;
kadibna qaata wixii waxtar leh ee ka soo baxa,taas ayey danta deegaanka iyo
dariskuba ku jirtaaye.
Ilaahay ha inna waafajiyo wanaagga Aamiin! Aamiin! Aamiin!.
Maxamd Cabdullahi Xaaji Obsiiyeh
Riyadh - Saudi Arabia
Email: mao.obsiyeh@live.com