Feb 4,2010
Warsanmag- "Hadii Hesahaa la isku qaado oo dhulka la kal sheegto oo dawladnimadu ay idinku filaanweydo.Sow imanmayso Awdal iyo Salal sow Anigu malihi ama Sool Iyo Sanaag iyo Cayn sow anigu malihi".
Somaliland waa dhul ay ku wada noolyiin shucuub iyo qabaa’ìl
mar iskaga soo hor jeedi jirey dhinaca siyaasada. Shucuubtaasi waxay soo mareen
dagaalo, kala shaki iyo burbur ka dhashay khilaafkooda. SNM markii ay ku guuleysatay
in ay dalka ka xoreyso xukuumadii Siyaad Barre waxay ku dhawaaqday siyaasadii
taariikhda gashay ee ahayd in dhamaan shucuubta reer somaliland ay yihiin dad
walaalo ah oo dhul iyo dhaqanba wadaaga haseyeeshee ay siyaasadii xukuumadii Siyaad
Barre kala geysay loona baahanyahay inay isugu yimaadaan gogol ay isku cafiyaan
aayahoodana kaga tashadaan.
Siyaasadaasi waxay kaloo xambaarsanayd inuu dhamaaday dagaalkii iyo kala shakigii
u dhexeeyey shucuubtaas. Maalintaas waxa dadka reer somaliland wada martay dabayl
caafimaad oo si dhib yar u wada daaweysay mucaarid iyo muxaafidba.
Waxa la gartay in la iska ilaawo dhaawacyadii hore lana higsado sidii loo heli
lahaa aayatiin iyo mustaqbal wanaagsan. Waxaa loo qalab qaatay sidii loo dhisi
lahaa soomaaliland xor ah oo leh dhul, dad iyo calan u gaar. Waxa lagu ballamay
in wixii hore u dhacay laga dhigo waxaan dhicin oo kale.
Waxa la isku raacay in la boogo dhaydo oo qof waliba wixii soo gaadhay u arko
waxa uga yimid dowladii kaligii taliye Siyaad Barre. Waa la is cafiyey waana
madashii Burco, tii Berbera iyo tii u dembeysay ee Boorama.
Markii ay dalka soo gashay SNM waxay ka badbaaday inay ku dhacdo khaladkii
taariikhiga ahaa ee ay sameysey USC markii ay xamar ka xoreeyeen Siyaad Barre.
Maxay USC sameeyeen markay xamar qabsadeen?
Dadkii aan ka tirsanayn USC oo xamar loogu yimid waxay aaminsanaayeen in USC
ay tahay jabhad la dagaalamaysa Rijiim waxayna filayeen in marka ay xamar qabtaan
ay dadka xakamyn doonaan oy dowlad loo dhanyahay dhisi doonaan, sidaasna dalka
nabadii iyo kala dembeyntii ugu soo noqon doonto.
Markiiba waxa muuqatay in dagaalka iyo halganka USC uu ku salaysnaa qabiil
iyo aargoosi, waxay bilaabeen in dadkii loogu yimid muqdisho iyo agagaarkeeda
la ugaadhsado iyadoo aan loo kala eegeyn mid dembi leh iyo mid aan dembi lahayn.
Waxa la geystay xasuuq iyo burbur aan la qiyaasi karin.
Waxaa baabuurta lagu soo xidhay warbaahiya yaal. ” Waxa la qaaday heestii
”Dhulka soo anigu ma lihi”. Maalintaas reer USC way qiireysnaayeen
laakiin haddii ay ogaan lahaayeen natiijada ka dhalan karta jidka ay qaadeen
iyo ficilada ay sameynayaan kun iyo kow jeer ayey ka fiirsan lahaayeen.
Waxay arrintu qaskaas iyo fowdadaas ku socotaba waxa dhacday in isla qabaailkii
USC qaarkood markii dembe loogu qaaday Xamar heestii “Dhulka soo anigu
ma lihi” iyadoo xamar la kala sheeganayo taasoo lagu dareensiinayo Jeneral
Caydiid iyo taageerayaashiisa oo ahaa kuwii koonfur ka xoreeyey Siyaad Barre
inaanu shuqul ku lahayn Muqdisho ee uu gobolada dhexe ku laabto taasoo dhalisay
in dhiigu ku qulqulo laamiyada xamar, waana sababtaas sababta loo yidhi qabyaaladu
waa sida basasha oo kale meel ay isku taagtona ma leh.
SNM iyo Gudoomiyaheedii waqtigaas Cabdiraxan Axmed Cali oo kaashanaya wax garadka
soomaaliland waxay ku guuleysteen inay somaliland ka badbaadiyaan jidkii ay
USC qaaday. Waxay ku baaqeen musaalaxo iyo dib u heshiisiin. Waxay ka digeen
in la kala aargoosto. Waxay ku dhawaaqeen in la dhiso dowlad ay ku mideysanyihiin
dhamaan dadka ku nool Somaliland iyadoo aan loo kala eegin mucaarad iyo muxaafad
taasoo natiijadeedii maanta la guranaayo.
Seeskii uu dhigay Cabdiraxmaan Axmed Cali waxa dhamaystiray Madaxweyne Cigaal
labadoodaba alle ha u naxariistee. Madaxweyne Cigaal wuxuu beeray beertii nabada,
dib u heshiisiinta iyo isasaamaxa, kadib markii uu madaxweyne ku xigeen u magaacbay
Madaxweynaha maanta mr. Riyaale oo ka mid ahaa dowladii lala dagaalamayey hase
yeeshee somalilander ah.
Soo dhaweyntii Gudoomiyaha Kulmiye Axmed Siilaanyo maxay na xusuusey?
Tiiraraka aasaasiga u ah nabadgelyada iyo ictiraaf doonka Somaliland waxa ka
mid midnimada iyo wada jirka umadda reer Somaliland, si taas loo helana waa
inaanay siyaasiyiinta somaliland laga maqal, laga dhadhansan, lagana dareemin
wax soo nooleyn kara ama damqi kara dhaawacyadii shucuubta reer soomaliland
hore u soo kala gaadhay ee laga bogsaday.
Mudadii uu gudoomiyaha Kulmiye dibeda ku maqnaa waxa qaar ka mid ah taageerayaasha
xisbiga Kulmiye ka sameeyeen magaalada Hargeysa abaabul aad u balaadhan, abaabulkaasoo
si hoose ay u wadeen ashkhaas gaar ah oo ka tirsan xisbiga kulmiye, kuwaasoo
hore loogu yiqiin qabyaalada iyo isir kala sooca reer Somaliland.
Abaabulku wuxuu ku salaysnaa in shucuubta somaliland loo kala saaro kuwo soo
halgamay iyo kuwo aan soo halgamin. Waxaa la beeray shucuur cusub, waxa la kiciyey
dumarkii iyo caruurtii, waxaa la soo ururiyey Abwaano uu hor kacayo Maxamed
Ibraahim Warsame “Hadraawi” oo sheegay inuu talaba ka yaqaano “ha
lagu boobo” waxaa la abuuray maansooyin cusub oo kicin ah, waxa la qaaday
heesihii Siyaad Barre loo qaadi jiray “Dhulka soo anigu ma lihi”.
Maalintaas dad badan oo ka mid ah shucuubta reer Somaliland waxa galay dareen,
waxay ismoodeen inay joogaan meel aan Somaliland ahayn. Dad badani way ogaayeen
in maskaxda iyo maanka xisbiga Kulmiye ay ka guuxeyso goboleysi iyo cunsuriyad,
waayo xisbigu wuxuu ku calaamadeysnaa dagaalo badan oo sokeeye oo hore uga dhacay
dalka, laakiin waxaan la moodeyn inuu ilaa heerkaa abaabul qabiil ku kicin karo
dadka.
Xisbiga Kulmiye wax badan taariikhda kama korodhsan. Ma fahmin macaanka iyo
sharafta ay leedahay midnimadu. kama tusaale qaadan dowlado badan oo maanta
dunida ka jira oo hore shucuubtoodu u dagaalameen kadibna heshiiyeen oo wada
dhisteen dowlado dimoqraadi ah oo kuwa maanta aduunka ugu xoog badan ka mid
ah. waxay ilowsanyiin in Nelsson Mandela madaxweyne ku xigeenkiisa u magacaabay
ninkii 26 sannadood jeelka ku hayey.
Haddii maanta xisbiga Kulmiye wax ku doonayo talaaabadii
1991 USC ku hungowday, natiijadii ka dhalatayna ay maanta dadka reer USC qoomameynayaan.
Haddii uu maanta rabo inuu kursiga ku gaadho siyaasadda ah Riyaale soomaalilander
dhab ma ah waayo kama soo jeedo beesha dhexe. Haddii heesta “dhulka soo
anigu ma lihi”" uu ula jeedo qabaailka aan ahayn beesha dhexe. Haddii
Siilaanyo qabiil wax ku doonayo ee aanu tartan siyaasadeed wax ku doonaynin,
ha ogaado in isna maalin aan fogeyn Cali Mahdi uga soo bixi doono Hargeysa oo
loo qaadi doono “Dhulka soo anigu ma lihi” iyo “ninkii dhoof
ku yimidbaa geeridu dhibeysaa” sidii Caydiid ku dhacday, waayo qabyaaladu
meel ay ku istaagto ma leh.
Su’aasha dad badani isweydiinayaan waxay tahay maxaa ku kallifay xisbigii
kulmiye inuu qaado wadadaas qarda-jeexa ah oo hore nin u qaaday aanu soo nabad
noqon? Jawaabtu waa koobantahay waa nijad jab ku yimid xisbiga kadib markay
arkeen kalsoonida ay ku qabaan dadka reer Somaliland xisbiga kulmiye iyo barnaamijadiisa
inuu marayo meel 0 ah.
Somaliland wax ay ku weyday wada jir iyo isku duubnaan, kuma heli doonto kala
qeybsanaan iyo abaabul qabiil. Dhulka somaliland dadka somaliland oo dhan ayaa
iska leh carab iyo cajamiba.
Naaleeye Nuur
Email: naaleeye111@hotmail.com