Naftii Hure
 
Too many ideas can sometimes create more problems than solutions...just a reminder from us.... .... To contact us please call 613-898-3300 E-mail: info@warsanmag.com




    Music
Click to know more Click to know more Click to know more 
China iyo Qaaradda Africa xiriirka Ganacsi oo cirka isku shareeray.
 
Feb 3, 2010
Faallo ku soo baxday Joornaalka Elseveer ee Holland oo bishihiiba mar soo baxa, ayaa daabacay maqaal ay ugu magac dareen Baahida Shiinuhu uu u qabo alaabta caydhiin waxa ay amakaag ku noqotay Africadii hodanka ahayd maqaalkan oo aad u taabtay waddammada Africa wax u iibgeeya, waxana uu ku bilaabay sidan :-

Africa iska illoow ? ma ahan Shiinaha oo kaliya, maal gashiga tooska ah ee Peking ay ku daldalanayso khayraadka dabiici ah ee Africa aadbuu u kordhay ,gaar ahaan sannadihii ugu damabeeyay ilaa 2008 oo kaliya, China wuxuu ku maalgashay Africa adduun dhan $3.6bilyan , Africa waxaana la siin doonaa aduun dhan $6.7 bilyan oo dollar oo dayn ah, taas oo dulsaarkeedu uu yaryahay…. waa sida uu Ra’iisal wasaare Wen Jiabao hadalka u dhigay, mar uu ka hadlayey shiraweynihii sare ee wadajirka oo ku beegnaa bishii Nov 2008 da. Xukuumadaha.

Africa waxay saaxiibbadood Azia ka heleen gamco furan oon shuruudi ku xidhnayn. halka deeq bixiyayaasha reer galbeedku shuruudo ku xidhaan Africa in wax laga badelo xukuumadaha dhaqaalahoogana dib habayn lagu sameeyo , arintan aadbay uga faa’ iidaysteen xukuumadaha kali taliska ee SUdan iyo Guinea taas oo siisay awood aad u badan xukunkooda iyadoo lagu maalgashay aduun dhan $4.6 Bilyan oo dollar. hadii aan soo qaadano wadanka Guinea wuxuu ku bedashaa maalgelenta China . Diamond, looxaanta, saliida iyo birta, iyadoo loo soo marayo heshiiska caalamiga ee ku aroora maalgelinta.

Shirakadaha shidaalka ee China waxay qabteen shaqooyin wacan laakiin maalgalin ayay kaga dhigeen col biyodhaanshan khayraadkii Africa iyo mashaariic aan qayru caadi ahayn, mashaariicda badankoodana waxaa ka faa’iidaysta wadamada . Sudan, Nigeria, Ghana iyo Gabon inkastoo qasaarihii ugu waynaa ee la soo darsa China uu kala kulmay wadanka Agola wakhtiyadii dagaaladii sokeeya ay socdeen, hadana isla markiiba way ka soo kabteen ,sannado yar dabadeedna khayraadkii Angola gacanta China ayuu galay waxaana kordhay boqolkiiba 18% suuqa dhoofinta Shidaalka ee Angola ,taasina waxay keentay in 14,000 u dhashay China una badan khubarada khayraadka ay ka shayqeeyaan Angola, guud ahaan wadarta guud ee dadka u dhashay China ee jooga Angola waxay dhantahay 40,000 oo qof.

Africanka oo dhan raali kama aha muquuninta China, laakiin waxaa sii kordhaya isku balaadhinta China africa isku ballaadhinayso taas ku tusaysa tirada shaqaalaha Shiinaha ee jooga Africa inay korodhay waxaana Africa dhammaanteed ku sugan tiro dhan 750,000 oo qof oo Shiina ah, adigoon fiirin waddammada Africa ee kale waddanka Uganda oo kaliya ayaad ku arkaysaa suuqyadooda daadiska, bacadlayaasha iyo macdaarada inay la ceegaagayaan wax-soosaarka aalaabaha raqiiska ah ee china laga keeno.

Waxaa jira diidmo kacdoon ah oo Shaqaalaha dhuxul-dhagaxda iyo macdanta kale qoda ee wadamada Africa qaarkood kaga soo horjeedaan china iyagoo ka cabanaya shaqaalaha China laga keenayo ,waxaana ka dhashay kacdoonkan in caruurta lagu shaqayso haba ugu darnaato wadanka Namibia ka dib markii shaqaalihii qaangaadhka ahaa ay gaashaanka ku dhufteen biqsiga iyo cabudhinta shaqaalahamishaarooyinka iyo duruufaha shaqada oo adag awgood iyo Wasiirada xukuumada Namibia oo mas’uul ka ah hoos dhacii ku yimid suuqa macdanta Uraniumta taas oo looga fa’iidaystay in hub lagu soo gatoShacabka Africanku badankoodu way necebyihiin madaxdooda arimo la xidhiidha shaqo la’ aanta iwm ,laakiin dhegaba looma dhigo waxayna shaqooyinka siiyaan gumaysiga cusub ee Chinaha ka imanaya, halkii laga filaayay in Africa lugaheeda isku taagto ugana maaranto cunooyinka shisheeyaha, fikradaha shisheeyaha iyo shaqaalahaba.

Mashaariicda China ka dhisay Africa:-
Mashaariicda Shiinuhu ka dhisay Africa marka la isku daro sannadihii ugu dambeeyay waxay ahaayeen sidan:
6000 Km oo Jidadka waaweyn ah , 3000 oo jidadka tareennada ah, 8 xarumood oo quwadda korontada ah
28 Dhakhtar iyo 96 Dugiyaa waxbarashada kala duwana ah, mashaariicdan dhamantood waa kuwo muuqda
oo la taaban karo lagun taabo galay

Daynta xukuumada China daymisay Africa:-
Xukuumada Pekin daymihii ay siisay Africa kuwii ugu badnaa sanadadihii ugu dambeeyay waxay siisay wadamadan
Congo $2.21 Bilyan, Nigeria $5.54 Bilyan, Angola $3.32 Bilyan . Congo iyo Nigeria lacag ahaan ay dib ugu bixinayaa
daymaha ay qaateen iyadoo Xukuumada Peking kula saayirayo dulsaar aad u yar , laakiin Angola daynta China ku leeyahay
saliid ayay ku badalnaysaa oo lacag ma ma bixinayso .

Shidaalka China ka qaatay Aduunyada Sanadihii ugu dambeeyay
Africa 28.7%, Bariga Dhexe oo dhan 45.4%, Azia oo dhan 11.5% . Adduunyada inteeda kale 14.4%

Saliida caydhiin ee Africa u dhoofiso Caalamka
Caddadka Shidaalka boqolkiiba sannadihii ugu dambeeyay Africa u dhoofisay Caalamka waxaad dareemaysaa inay korodhay
waxayna tahay sidan : China 27%, EU union 32%, USA 29%, Addunyada kalle 12 %

Tobanka wadan ee Africa ugu badan ee wax-soosarka Chinaha loo dhoofsho
Suuqa dhoofinta ee China waxuu Africa ka helaa hanti aad u badan sanadkiiba, waxaana ugu badan wadamadan
Agola$10.931bilyan, South Africa $4.095 bilyan, Congo$2.785 bilyan, Equatorial Guinea $2.538 bilyan,
Sudan$1.941Bilyan,Libia$1.694bilyan,Gabon$,Mauritania$402bilyan, Dem Rep congo$2.785 bilyan Maroco$359bilyan

Tobanka wadan ee AFrica ee China ugu jecelyahay ee uu maalgashado ee uu maalgashay
Wadamada Africa wax iswaydaarsadaan farta ayay ku hayaan wadnaha cabsida ay ka qabaan maalgelinta xadhdhaafka ah ee china galinayo Africa oo sannadba sannadka ka dambeeya sii kordhaysa waxayna kala tahay sidan:-
South Africa $5.769bilyan. Masar$2.976 bilyan, Nigeria$2976 bilyan,
Algeria1.952bilyan,Maroco$1.570bilyan ,Benin$1.452bilyan,Sudan1$.417bilyan, Angola,$894bilyan, Ghana$803bilyan, Togo$704bilyan.

Alaabta warshadysan ee China u dhoofsho Africa
Wax soo saarka dhamaystiran ee China ee Africa uu geeyo Boqlokiiba sannadihii ugu dambeeyay waxay ahaayeen sidan
Dharka ,qalabka is-qurxinta 45%, Mashiinada 33%,Wax soo saarka kalle 24%

China Qalabka uu africa ka soo qaato boqolkiiba sannadihii ugu danbeeyay waxay ahaayeen sidan
Saliida iyo gaaska 62%, Birta iyo macdanta 13%, khayraadka kale 24%.

Ciidamada
Wadamada Africa ee Xidhiidhka ciidan la leh ee China hubkana ka gata waxaa ugu badan wadamadan hoos ku xusan
Sudan, Algeria, Nigeria, Masar.

Shaqaalaha Chinaha ee Africa ka shaqeeya
Guud ahaan 750,000 oo ah shaqaale u dhashay China ayaa jooga Africa tiraduna aadbay uga korodhay intii hore
wadamada ay ugu badanyihiin ee ay joogaan badankoodu iyo tiradoodu waxay kala yihiin sidan:-
Lesotho 100,000 oo China ah qiyaastii, Algeria 50,000, Angola 40,000 ,Mauritania 5,000-10,000 ,Zimbabwe5000-10000, MOzambique 2000-3000, Cameroon 2000-3000,Sudan 2000-10,000, Ethiopia 2000-3000.

….Dhamaad..

Xigasho ELseveer Magazine Holland Jan2010
Turjumid: Mahdi Farah Aden ( Mahdi Ghandi)
Holland

farahaden99@hotmail.com

Fiiro Gaara: laakiin warbixintani waxay kuu muujinaysaa inuu soo dhammaanayo dariiqii dheeraa ee reer galbeedku ku haystay caalamka xadaaraduna ay u wareegayso Azia.( China & India ). Europena ay yaraanaynso hadalhaynteedu sida latin america

Articles
WALI DADKA REER AWDAL MAAYNAN GARAN XAQIIQDA JIRT
Waxaynu wada ognahay inuu siiraanyo xaqiijiyay oo uu cadeeyay malintii natiijada lagu dhawaaqay inuu uciildhicin doono waxii uu ku sheegay mujaahidi more
 
Qormooyin Taxane Taariikhi ah Qarnigii 19-20 aad A

Warsanmag-Waxa uu maqaalkani ku soo baxay Warsanmag March 7/2010.Waxana uu ka mid ahaa qormooyin taxane tariikhda Awdal Q more

 
Awdal waxay u baahantahay ciidan-beeleed iyo Dekad
May 03,2010

Warsanmag-Waxa Borama ka socda olole balaadhan oo la doonayo in wax l more

 
Danta Samaroon baa ka horaysa danta Somaliland...

WAXAAN AAMINSANAHAY DANTA SOMALILAND IYO DANTA SAMAROON INAY DANTA SAMAROON HORAYSO. Waxa wax aad loola yaabo ah inuu abtigay Maxamuud Cabdilaa more

 
Necessity is the mother of the Minnesota convocati
Mar. 30 - Salaanta guud wixii ka dambeeya. It is a sure thing that there recently has been a lot more
 
International News(Shabakadaha Warka) Sports Networks(Shabakadaha Ciyaaraha) School Help(Waxbarashada Caruurta) Cool Kids(Maaweelada & Madadaalada Caruurta) Somali Web Sites(Shabakadaha Soomaalida)

  Visitor number 137007