Feb 02,2010
"Saleebaanoow ma waxaan ku mooday,mise waxaad noqotay,mise
waxaan loo noqon doonin. Waxaan ku mooday Libaax, waxaad noqotay Kurtin,….Guurtida
umaad wadin siday kugu waday, waxaanu kaa codsanaynaa inaad Guurtida Iimansataa
ood Kursiga kale aanad doonin,waa inaad Golaha qabyaalada ka bi’isaa,ood
walaaqa ka daysaa” X Cabdi Waraabe
“Weerar weeyi, Weerar weeyi waxay ku eekayd intii hore inaad ku daysaan
Kamaan filayn Xaajiga saaka erayadan !!!, arrinta haday saddexdayda ku kooban
tahay xal loo waayi maayo” Saleebaan Gaal
Hargeysa (Warsanmag) Xaaji Cabdi Waraabe oo ah Odayga ugu Da’da weyn Golaha
ayaa fadhigii shalay ku eedeeyay Saleebaan Maxamuud Aadan Guddoomiyaha Golaha
Guurtiddu inuu ka masuul yahay waxa Golaha ka dhacaya waxaanu yidhi “Shir-Gudoonku
waa mahadsanyahay, Sharafkaa aad soo jeediseen ee Guurtidu isku raacday ee maanta.
Waxa qaloocu ka socdaa Golaha waa Shir-Gudoonka. Gacantu haday ku Xanuunto Laabtaa
lagu qabtaa, Lugtu haday ku xanuuntana waa la dhutiyaa oo ul baa la qaataa,
Calooshu haday ku xanuuntana maraa lagu xidhaa, Madaxu haduu ku xanuuno lama
socon karo, Saddexdiina Shir-Gudoonka ahi qawl aad u dhantihiin Goluhu idinku
diidi maayo, aarinka waad seegteen maaha kolay Binu’aadam baynu nahayoo
waa la seegayaa oo meel baa laga dhacayaa, kolna waa la Asiibayaa, hadaad sadexdiinu
mid noqotaan waxba inaga xumaan mayaan Goluhuna waa idin aqbalayaa. Golaha Ragii
waa waynaa badanaa ha dhintaba’e Rag dhalinyaro ah oo wanagsan baa fadhiya,
Golaha Cudurka galaa Shir-Gudoonkuu ka kacaa.
Marka hore waxa la yidhi Nina wuu u gar xun yahay, Nina waa u dirir xun yahay
Raga, Nin waa u dirir xun yahayoo Laba Ilmaadeera oo is dhirbaaxay oo is uleeyay
oo mid la lagday, Kolkuu ka kacayo ee laga kicinayo gacmahaa la qabtaa ee uu
sii haraatiyo Kaba Jaangariya iyo Xoog baa la lahaa, ama maskaxdayba haraatidaasi
gaadhaa amaba rubadkayba ku dhacdaa Ninkaasi wuu u dirir xun yahay baa la yidhaa.
Nina waa u Gar xun yahayoo Laba Nin oo is haya oo isula yimid labadiinuba garbaad
leedihiin Ninkaasina wuu u gar xun yahay.
Gudoomiyaha Saleebaan ma waxaan ku mooday, waxaad noqotay, waxaan loo noqon
doonin. Waxaan ku mooday Libaax, waxaad noqotay Kurtin, waxaan loo noqon doonin
Guuro-gal Habeenimo. Maanta Mutacalim iyo Oday baad tahay sidaa maanta sheekha
loogu codeeyay, Codkiisa 63 ka Ninba way isku raaceen, sidaan kuugu caano lisay
iigumaad hanbayn buu yidhi, Guurtida umaad wadin siday kugu waday, waxaanu kaa
codsanaynaa inaad Guurtida iimansataa ood Kursiga kale aanad doonin, ood Kursigan
ama Geeri kaga tagtaa ama Sharaf kaga tagtaa ood Guurtida midaysaa, ood Somalida
Dhaqaalaysa, oonad dan aad leedahay oo qudha aanad eegin oo meel aanad tiigsane
Jamhuuriyadu dushaaday saarantahay Guurtidana adigaa u wada Aabo ah inaad Dadaashaa
oo midaysaa ood qabyaalada ka bi’isaa,ood walaaqa ka daysaa baanu kaa codsanaynaa”
Dhinaca kalena waxa hadalka Cabdi Waraabe si cadho leh uga jawaabay Saleebaan
Maxamud Aadan waxaanu kaga jawaabay “Weerar weeyi, Weerar weeyi waxay ku
eekayd intii hore inaad ku daysaan Kamaan filayn Xaajiga saaka goobtan aynu
joogno erayadan, waxaan ka filaayay kii ururiya haday Golaha sidaa aad sheegteen
run ka sheegteen oo ay saddexdayda nagu kooban tahay xal loo waayi maayo, Illahay
ha ka dhigo inay saddexdayda nagu koobnaato, sidaa xaajigu u yidhina maaha,
waxaan is lahaa Xaajiga Xilkuunbaan kaga waynaaye, Da’ iyo waayo aragnimo
inuu isagu igaga horeeyaabaan moodayay, gidigeenba aynu Golaha ururino, macaa
Xubin Sharafyadii way fadhiyaan, Xaajiga waxaan kaga baxayaa waar Dalkaba maan
joogin markay dhacday, markay idinka qaraxday Gootaba maan joogin, Sideed Kun
oo Kilomitir baan joogay……Waar hadalka joojiya markii hore ayaad Xaajiga
qaban lahaydeene
Golahana waxaan leeyahay Bil buu hada Goluhu xidhnaa yuu dib u xidhmin, Xilkeenana
aynu gudano, Khilaafkuna kan ha ka baxo