Feb 01,2010
Warsanmag-Waxa aan helay qoraalo door ah iyo Emailo ay
noo soo gudbiyeen Dad joob jooga ahaa dhacdaa iyo caruurti wakhtigaa qaar ka
mid aha oo walidkoodu ku geeriyooday falkaas bahalnimada ah ee ay gaysteen diyaaradihii
xabashasdu ee mamulkii Mingistu.Waxay intuba dhiirigalinayaan qoralkan ku saabsan
maalintaa murugada leh ee 30kii January 1984.Waxay intuba isku raacsanyihiin
in qoraalo iyo xus intan ka badan la sameeyo oo lagu xasuusto shuhadadii ku
geriyootay gacantaa cadawga ee aan naxariista lahayn.Qoraaladaas waxa
ka mid ah mid uu noo soo gudbiyey Wiil ay dhashay gabadhii aan ku soo qaatay
maqaalka ee ay diyaraddu dishay iyada iyo caruurteedii oo sadexan.Wiilkan waxa
Abti u ah Mohamed Abdillaahi Mixile wiilku ilmo ayuu ahaa wakhtigaas, hase ahaatee
maanta waa nin weyn oo isaguba wax qora.waxana uu abtigii weydiinayaa ka dib
markii uu maqaalkan akhriyey Suaashan:
:"Abti Mahamed Dhiirane nin la yidhaadho ayaa maqaal
uu kaga hadlaayo weerarkii Itoobiya inagu soo qaaday websiteka
soo galiyay( http://www.warsanmag.com/index.php?nws=3428 ) .markaa Maxamed Cabdilaahi
ayaa Almo adeer ahayn oo walaashii ay ku dhimatay weerarkaasi ayuu yidhi. Anigu
maba garanayo ee waa kuma abti Mahamed Dhiirane? Laakiinse si fiican buu u qoray
maqaalka oo iimayl thanks ahaa ayaan u diray."Sida
uu Mixile ba u sheegay wiilka waxan Aniga(dhiirane) Hooyadii iyo Abihii iyo
Abtigiiba aan kuwada dhalanay kuna wada kornay Tuli oo ka tirsan Degmada Dila
waxana aanu nahay dad ehel iyo qaraabo intaba ah.Ujeedada qoraalkan aan u sameeyey
ee aan buugga uga qoray iyo maqaalkanba ayaa ahayd in da,adaas ay helaan maalintaas
murugada leh wixii dhacay oo ay noqoto xasuus la isku sii tabiyo.
Qoraalka labaad waxa isoo gudbiyey Mukhtar oo aan maqaalka
ugu mahadnaqayey inu ino soo gudbiyey Sawirada,Hase ahaatee Mukhtar Sawirada
iyo liiska magacyda Ardayda isagaa soo gudbiyey.Waxa kaloo uu mukhtar sameeyey
qoraaladii ugu horeeyey ee sanadkii hore iyo kii ka horeeyeba ku soo baxay Borama
News ee xuskaa malintaa murugada leh. Mukhtar waxa uu imka ku talo jiraa inuu
buug ka qoro isagoo arintaa ka hadlaya waa kan qoraaliisii uu isoo gudbiyey:
"aad ayaad ugu amaanantahay walaal in aad qalin
qaadato oo aad maanta oo kale xusto dhalaankii maalintaasi inag galbaday
walaal se waxaan kuu sheegayaa in aan anigu ahaa qofkii ug horeeyey reer awdal
ah ee qoraal arinkan ku soo bandhiga dhanka internetka kaliya sawira uun ahayn
waxa aan soo bandhigay ee waxa aan kaloo isku hawlay malmo liiska aad soo qortay
ee magacda ah
shuhaddada. boramanews way soo gudbiyeen, hadda qoraalo badan ayaan ka sameeyey
anoo dadyoow goob jooga ahaana waraystay oo aan rabo mustaqbalka in aan buug
ka dhigo afsoomaali iyo waliba english"
waaad mahadsantahay
Mukhtar Abdirahman
Senior English teacher & freelance writer
Djibouti Institute of languages
Mar kale ayaan mahadnaq u jeedinaynaa Mukhtar waxan ku amaanaynaa xilka dheeraadka
ee uu iska saartay sidii u soo nooleyn lahaa dhacdadan isagoo ahaa qofkii ugu
horeeyey ee qoraal internetka ku soo bandhiga dhacdadan laba sano ka hor.Mukhtar
waxa uu ku talo jira inuu buug ka qoro malintaas murugada leh ee 30 kii Jan.1984.
Qoraal kale oo waxa isna inoo soo gubiyey Jamaal oo ku nool jabouti waxana
u dhiiri galinaya in loo sameeyo dhacdan xasuus joogto oo ma guuraan sida Taalo
iwm.waa kan qoraalkisi:
.Asalaamu calaykum
walaal moxamed nabad,
walaal waxaa indhahayga ku soo joog jooga lilmo kadib markii aan akhristay maqaalkan
dhiilada wata ee ku qoran lughayanews.
walaal waqtigas ay musiibadani dhacday ma aan joogin boorame oo jabuuti ayaan
ku sugnaa waxaanan warka ka helnay maalintaas warkii BBC da ee shant iyo badhkii
galabnimo, walaal waxii maalintaas dhacay maaaha wax lagu soo koobi karo qoraal
ee waxaan u baahanahay in marka hore aynu bal dadkeena sida gaarka ah u dareemaya
maalintaas foosha xun in aynu wada xadhiidhno oo bal aynu keeno fikrad ma guurto
ah.
JAMAALUDIIN AL SAYLICI
DJIBOUTI
Ugu dambaystii waxa qoraal dheer noo soo gudbiyey nin
arday ka ahaa wakhtigaas Dugsigii beeraha ee Caamuud oo goob joog ahaa si tafariran
uga hadlaya dhacdada.
"Walaal Mahamed aad baad u mahadsantahay in aad
soo bandhigto dhacdadan naxdinta leh, walaal anigu waxan ahay nin ka soo jeeda
gobolka togdheer gaar ahaa degmadiisa balidhiig, waxan ma mid ahaa ardaydii
dhiganaysay schoolkii beeraha ee camuud, waxan doonayaa in aan wax ku kordhiyo
maqaalkaa aad soo qortay walaal, arintu sidan ahay ahayd:
Abdikariim Hirsi aad ayu u mahadsanyahay qoraaklisa oo
dhan maqaal ahaan ayan u soo gelin doona Warsanmag.comiyo Alnuur.com si aan
uga wada faaiidaysano madaama u ahaa goob jooge malintaa murugada leh.
Ugu dambayntii cid kastoo doonaysa inay ka hadasho maalintaas
ama goob joog ha ahaado ama qof ay dhacdadaas samaysay ha haadee waxan kudhiirigalinayaa
inad noo gudbisaan qoraaladiina iyo afkaartiina ku saabsan maalintaas murugada
leh si aan xasuusteeda u balaadhino.
Mohamed Dhiirane
Mohamedrn@yahoo.ca