Naftii Hure
 
Too many ideas can sometimes create more problems than solutions...just a reminder from us.... .... To contact us please call 613-898-3300 E-mail: info@warsanmag.com




    Music
Click to know more Click to know more Click to know more 
Wasaaradda Qorshaynta oo Beenisay in Hay,adda ILO ay Dalka ka baxayso.
 

Jan 26,2010

Hargeysa-(warsanmag)-Annagoo tixraacayna maqaal ku soo baxay wergeyska Haatuf cinwaankiisuna ahaa” Hayadda ILO ee Qaramada Midoobay oo dalka ka laalaabatay iyo Xukuumadda oo afka ka xidhatay” Waxa aannu halkan ku saxaynaa in aanay arrintu ahayn sidaas wergeysku u dhigay, isla markaana aan Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Isuduweheeda iyo Xidhiidhka Hayadaha Caalamiga ah aan waxba laga weydiin.

Sidaas Awgeed, waxa lama huraan noqotay inaan halkan ku iftiiminno in Hayadda ILO ee Qaramada Midoobay dalka ka shaqaynaysay ilaa sanadkii 2000, iyada oo soo qabatay mashaariic wax ku ool ah oo dalka wax-tar u leh sida shaqo abuurista, ka gargaaridda Xukuumadda waddooyinka carro tuulka ah ee isku xidha magaalooyinka iyo tuulooyinka, Maktabad (Resource Centre), iwm.

Haddaba, Hayadda ILO waxa ay ku shaqaysaa hab mashaariiceed oo ah in ay hadba fuliyaan mashaariicda ay maalgelinta u hayaan, sidaas darteed waxa hadda dhammaaday mashaariicdii ay maalgelinta u hayeen ee ay ka wadeen Somaliland, waxana ay si ku meel gaadh ah u xidheen xafiiskooda ilaa inta ay u soo helayaan maalgelin kale oo ay mashaariic kaga fuliyaan Somaliland.

Waxa warbaahinta lagu xusay in Ha’yaddu dalka uga baxday sabobo nabadgelyo awgeed. Hayadihii kale ee Qaramada Midoobay way ka hawlgalaan dalka, waxanay ku wada shaqeeyaan nidaam mideysan. Markaa arrin caqliga gasha maaha in Hayadda ILOdu qaadato mawqif u gaar ah oo ku saabsan Nabadgelyada. Qoraal bay Wasaaraddu u qortay ILO, waxanay ku talo jirtaa in xarunta gobolka ee ILOda booqato si arrinta ugula soo hadasho.

Wasaaraddu waxa ay uga mahad celinaysaa Hayadda ILO mashaariicdii ay dalka ka fulisay intii ay ka shaqaynaysay Somaliland isla markaana u rajaynaysaa in dalka dib uga bilaabi doonaan mashaariicdii ay ka wadeen oo kale sida ugu dhakhsaha badan ee awoodda dhaqaale u saamaxdo.

Allaa Mahad leh

Mr. Axmed Xaashi Cabdi

Wasiir ku-xigeenka

Awdalpress.com

Articles
WALI DADKA REER AWDAL MAAYNAN GARAN XAQIIQDA JIRT
Waxaynu wada ognahay inuu siiraanyo xaqiijiyay oo uu cadeeyay malintii natiijada lagu dhawaaqay inuu uciildhicin doono waxii uu ku sheegay mujaahidi more
 
Qormooyin Taxane Taariikhi ah Qarnigii 19-20 aad A

Warsanmag-Waxa uu maqaalkani ku soo baxay Warsanmag March 7/2010.Waxana uu ka mid ahaa qormooyin taxane tariikhda Awdal Q more

 
Awdal waxay u baahantahay ciidan-beeleed iyo Dekad
May 03,2010

Warsanmag-Waxa Borama ka socda olole balaadhan oo la doonayo in wax l more

 
Danta Samaroon baa ka horaysa danta Somaliland...

WAXAAN AAMINSANAHAY DANTA SOMALILAND IYO DANTA SAMAROON INAY DANTA SAMAROON HORAYSO. Waxa wax aad loola yaabo ah inuu abtigay Maxamuud Cabdilaa more

 
Necessity is the mother of the Minnesota convocati
Mar. 30 - Salaanta guud wixii ka dambeeya. It is a sure thing that there recently has been a lot more
 
International News(Shabakadaha Warka) Sports Networks(Shabakadaha Ciyaaraha) School Help(Waxbarashada Caruurta) Cool Kids(Maaweelada & Madadaalada Caruurta) Somali Web Sites(Shabakadaha Soomaalida)

  Visitor number 137001