Naftii Hure
 
Too many ideas can sometimes create more problems than solutions...just a reminder from us.... .... To contact us please call 613-898-3300 E-mail: info@warsanmag.com




    Music
Click to know more Click to know more Click to know more 
M/ W Rayaale iyo M/Xig Saylici Waxay Talada ka riixeen Hogaamiyaashii SNM.
 

Jan 23,2010

Warsanmag-Madaxweyne Rayaale iyo Musharaxa M/xigeenka Xisbiga Kulmiye Mudane Abdirahman Saylici waa laba hogaamiye oo ka soo jeeda G/Awdal.Waa laba nin oo iyagoo dhalinyar siyasadda S/Land galay dadaalkooda iyo nasiibkooduna ku saaciday inay noqdaan madax qaran.Labadoodu midkoodna kama mid ahayn ururki SNM ee Xukuumaddi Siyaad Bare Dagaalka la galay.hase yeeshee waxay ahaayeen labo masuul oo xukuumadii siyaad Bare shaqaale u ahaa.Waxa ay labadooduba isku taageen Jagada Musharaxa M/xigeenka oo ay tartan la galeen Cabdi raxman aw cali oo ahaa M/xigeenkii Xukuumadii Cigaal ee u lagu dhisay Borama 1993.Tartanka hore waxa la galay Rayaale oo oo 1996 kii kaga guuleystay Cabdiraxman Awcali Jagadii M/xigeenka ee xukumadii Cigaal.Rayale sida an la socono dhowr sano ka dib markii Cigaal geeriyooday waxa uu noqday Madaxweynihii

S/Land.Waxana uu noqday madaxweynihii ugu horeeyey S/land ee doorasho ku soo baxa tariihkda somalida 2003 ka dib markii uu ka guuleystay Siilaanyo iyo Faysal cali Waraabe oo la tartamay.

Tartankii labaad ee loo tartamayey Jagada Madaxweynaha waxa xisbiga Kulmiye ku soo biiray Injineer Saylici oo u tartamay sidii Rayaale jagada Musharaxa M/xigeenka ee xisbiga Kulmiye isagoo taratan la galay sidii Rayaale Cabdiraxman Aw cali iyo Prof:Ismail Mumin.

Injineer Saylici waa uu ka guuleystay Jagadii M/xigeenka sidii Rayaale maantana waxa uu u taaganyahay doorashada inagu soo fool leh inu noqdo madaxweyne /xigeenka xisbiigiisa hadii ay doorashadaas ay ku guuleystaan.

haddaba Rayaale iyo Saylici waxay yihiin labo nin oo wax badan wadaaga oo cid walba iska dhow marka eegto:

1- Gobolka ay ka soo wada jeedaan ee Awdal

2- Jagada ay uwada carareen ugu horeystii oo ah M/xigeen

3- Ragga siyaasdaa ay isku hayeen ee tartanka ay lawada galeen oo ah Cabdiraxman aw cali iyo Siilanyo oo ay ka guuleysteen

4- Hamigoda oo ah inay noqdaan madaxweynaal,oo Rayaale ku guulaystay, Saylicina sidoo kale jidkeedii uu ku taaganyahay.

5- Rayaale iyo Saylici oo labaduba xukuumaddii Siyaad shaqaale u ahaa ilaa dhamaadkii.

6- Rayaale iyo Saylici oo marnaba aan taageerin urukii SNM laakiin imika qadarin dheeraad ah u haya Ururkaas iyo hogaamiyaashii ay tartaankaas ku jabiyeen.

Hadaba labadan Siyaasi oo wadaaga waxyaabahaa aan kor ku soo sheegay iyo inkaloo badan.Siyaasdana jid qura u soo wada maray kuna soo wada guuleystay inteedii badnayd.Madaxweyne Rayaale waxa uu yahay walaalkii weynaaa ee Saylici tusaalaha ka qaatay ee uu ku dayanayey.Abdiraxman Saylici oo ka tirsan xisbiga kulmiye xaq buu u leeyahay inuu dhaliilo xukuumadda Rayaale iyo xisbigiisa oo taratan adag ka dhexeeyo hadaba dhaliilalahaas waxan filayey inay noqoto waxyaaabaha ay ka gaabisay xukuumadda Rayaale dhinacyo badan.Laakiin ma fileyn inuu isticmaalo Eraydaii ay isticmali jiren hogaamiyaashii SNM ee ay labaduba Taranka ay la galeen.

Hadii aan markale idiin soo celiyo erayga uu isticmaalay Injineer Saylici waa kan: "Madaxweyne Rayaale wa ragii S/Land laga qabsaday,maantana isagii aya ina xukuuma".

Erayadaaas waxa isticmali Jiray Siilaanyo, Cabdiraxmaan aw cali, Ina Bixi iyo Ina Kaahin.

marka ay Rayaale dhaliilayaan iyagoo u jeeda inaanu Madaxweyne Cigaal /Rayaale iyo cid kastoo oo aan ka tirsanayyn Ururkii SNM in aanay Xaq u lahayn inay Dalkan S/Land ka taliyaan.Sidaa Awgeed in laga xoreeyaa ay tahay waajib muqadas oo la mid ah kii looga xoreeyey xukuumaddi Siyaad Bare.

Haddaba Erayga uu isticmalay Saylici waxa u egyahay eray aanu ka fiirasan isla markaana anu u meel dayin oo isaga laftiisa ayaa soo galaya kuwaa la ga xorewynayey dalkan madaama sida Madaxweyne Rayaale iyo Cigaal aanu ka tirsanayn Ururkii SNM.

Waxan haddaba ku gubaabinyaa Injineer Saylici in uu aad uga taxadaro erayda afku ka xadayo ee aanu gayin inu isagu isku yidhaahdo.

waxa kaloo aaan ku dhiiri galinayaa Injineer Saylici inu raaligalin siyo Dadka reer S/Land oo ka xoroobay inay isku qaybiyaan kuwo dalka laga qabsaday iyo kuwo qabsaday.Tasoo shacbiga reer S/Land ay ka qaateen qaraar cad ka dib markii doorashooyinkii in soo maray

ay ku kala doorten hogamiyaashooda iyagoo aan u kala saarin kuwo wax qabsaday iyo kuwo la qabsaday ee waxa kaliya ee tixgaliyeen ay ahayd sida ay u kala waxtar badanyihiin aragtidooda.
Mohamed dirane

Articles
WALI DADKA REER AWDAL MAAYNAN GARAN XAQIIQDA JIRT
Waxaynu wada ognahay inuu siiraanyo xaqiijiyay oo uu cadeeyay malintii natiijada lagu dhawaaqay inuu uciildhicin doono waxii uu ku sheegay mujaahidi more
 
Qormooyin Taxane Taariikhi ah Qarnigii 19-20 aad A

Warsanmag-Waxa uu maqaalkani ku soo baxay Warsanmag March 7/2010.Waxana uu ka mid ahaa qormooyin taxane tariikhda Awdal Q more

 
Awdal waxay u baahantahay ciidan-beeleed iyo Dekad
May 03,2010

Warsanmag-Waxa Borama ka socda olole balaadhan oo la doonayo in wax l more

 
Danta Samaroon baa ka horaysa danta Somaliland...

WAXAAN AAMINSANAHAY DANTA SOMALILAND IYO DANTA SAMAROON INAY DANTA SAMAROON HORAYSO. Waxa wax aad loola yaabo ah inuu abtigay Maxamuud Cabdilaa more

 
Necessity is the mother of the Minnesota convocati
Mar. 30 - Salaanta guud wixii ka dambeeya. It is a sure thing that there recently has been a lot more
 
International News(Shabakadaha Warka) Sports Networks(Shabakadaha Ciyaaraha) School Help(Waxbarashada Caruurta) Cool Kids(Maaweelada & Madadaalada Caruurta) Somali Web Sites(Shabakadaha Soomaalida)

  Visitor number 136999