Jan 22,2010
Borama-(Warsanmag)- Munaasabad si heer sare ah loo soo
agaasimay ayaa maanta ka dhacday Dhakhtarka wayn nee AL-HAYAATT MEDICAL CENTRE,oo qiimihiisu ku kacay US$1,700,000.00
ayaa lagula kala wareegayay maanta Borama , dhakhtarkan
ayaa waxaa wareejinayay hay’ada caalamiga ah ee AMOUD FOUNDATION waxayna
ku wareejisay Jaamacada Cammuud Qaybteeda Caafimaadka oo halkaas uu gudoomay
furayaashii dhakhtarku Dhiinkan Qaybta caafimaadka ee jaamacada Cammuud, Dr:
Saciid Axmed Walhad.
Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qayb galay, Mas’uuliyiin Heer Gobol iyo
heer degmo, madaxda AMOUD Foundation oo ay ka mid ahaayee , Gudoomiyaha Amoud
Foundation,
Mr: Mohamoud Faarax Cigaal,Mr: Abdi Daahir Aye Tresurer of amoud foundation.
Ibraahim Guray iyo Mas’uulka Amoud Foundation u jooga Somaliland C/wahaab
Cige Ahmed, Salaadiin, cuqaal , dhakhaatiir, iyo marti sharaf kale oo fara badan.
Ugu horeyn halkaa waxaa ka hadlay
Gudoomiyaha Amoud Foundation , Moh’mud Faaraxa Cigaal waxa uuna sheegay
in amoud foundation ay tahay Urur ushaqeeya dadka tabaalaysan ee danyarta ah
ee aduunka meelkasta jooga waxa kale oo uu sheegay inay inta badan ka helaan
taageerada iyo mucaawimida dadka muslimiinta ah ee inta badan jooga Dalka Maraykankan
iyo umadaha kale, Sidoo kale waxa uu sheegay inay Somaliya iyo afrikaba ay ka
hawlgalaan, ayna inta badana wax bulshada kala qabtaan , xaga caafimaadka, waxbarashada
, iyo abaaraha, waxa kale oo uusheegay inay dhawaan bilaabi doonaan hawlgal
loogu qodayo Ceelal biyo ah Dadka ubaahan ee meelaha biyaha ka dhaadheer degen.
Sidoo kale halkaa waxaa ka Hadlay Cabdi Daahir Aye Cabdi Atam oo isna ku dheeraaday
Sida wanaagsan ee ay hawlaha uwadaan ayna ku rajo wayn yihiin Dadkaa wanwanaagsan
ee ay ku wareejiyeen Dhakhtarkaa casriga ah inay uga faa’iidayn doonaan
bulshadooda.
Dadkii halkaa ka hadlay oo aad ufara badnaa ayaa waxa ay inta badan ahayd mid
mahadnaq iyo soo dhawayn ubadnayd.
Dadkii markaa halkaa ka hadlay oo aan soo koobnay ayaa kala ah sidan tan
Haaji Ahmed Miisaan oo ah Board ku xigeenka Jaamacada cammuud
Pro: Sulaymaan Axmed Guuleed Gudoomiyaha Jaamacada Cammuud
Dr: Saciid Axmed Walhad Dhiinkan Jaamacada Qaybteeda Caafimaadka
Faatima Xaaji Abokor Sh/ Omar Dhiinka qaybta Nurse
Dr: Diiriye Dhiinka Caafimaadka Jaamacada Hargeisa
Dr: Jaster: on behalf of Kijaabi Hospital
Badhasaabka Gobolka Awdla : Maxamuud Sh/A/LAAHI
Wasiirka Caafimaaka Somaliland: Cabdi Haybe.
Dhamaan dadkaas oo dhami waxa ay ku dheeraadeen sida wanaagsan ee hawshan loogu
wareejiyay Dhakhtarkan casriga ah jaamacada Cammuud Qaybteeda Caafimaadka.
Ugu danbayn halkaa waxa ay jaamacada Cammuud Godoonsiisay Saraakiishii sare
ee waftiga Ka socday AMOUD FOUNDATION shahaado sharafyo ay ugu tala galeen waxaan
gudoonsiiyay madaxwaynaha jaamacada Cammuud Pro: Saleebaan Axmed Guuleed.
Sidoo kale waxaa shahaado sharaf la gudoonsiiyay hawlwadeenka Amoud Foundation
qaybteeda Somaliland oo dhakhtarkan min bilow ilaa min nihaaya goobjoog u ahaa.
C/wahaab Egeh Ahmed waxaana gudoonsiiyay Gudoomiyaha Amoud Foundation.
Mohamud Faarax Cigaal.
Dhinaca kale waxaa isla halkaas Amoud Foundation Ay ku wareejisay Furayaashii
Dhakhtarka Gudoomiyaha jaamacada Cammuud Pro Saleeban Axmed Guuleed, isna waxa
uu ku sii wareejiyay Dhiinka Jaamacada Cammuud Qaybteeda Caafimaad
Dr: Saciid Axmed Walhad.
Ugu danbayntii halkaa waxaa ka dhacday Xaflad loo sameeyay Wareejinta oo xadhiga
lagaga jarayay.
Runtii AMOUD FOUNDATION WAXA KU AMAANAN YIHIIN DADAALKA AY MUUJIYEEN UNA MUUJIYEEN
SHACABWAYNAHA SOOMAALIYEED GAAR AHAAN SHACABKAN KU NOOL AWDAL WAXA AYNA MUDAN
YIHIIN IN AY KU DAYDAAN DADKA LA MIDKA IYAGA. LANA SIIYO SHAHAADO SHARAFYO.
ANAGUNA HADAAN NAHAY BAHWAYNTA SHABAKADA WARARKA EE IDHANKA DHAMAANTAYO WAXAAN
LEENAHAY HANBALYO AMOUD FOUNDATON .