Naftii Hure
 
Too many ideas can sometimes create more problems than solutions...just a reminder from us.... .... To contact us please call 613-898-3300 E-mail: info@warsanmag.com




    Music
Click to know more Click to know more Click to know more 
WAA QISO CUSUB .........IYO YAAB !!!!!!!!!!!!!
 

Jan 17,2009.

Huriwaa Iyo Hanad, ( Ila Qosol KA…KA.. KAAAAAA)

Huriwaa iyo Hanad waa laba nin oo aad looga yaqaan magaalada Burco. Garaadkoodu waa heer sare waxanay inta badan ka sheekaystaan kolba wixii jira ee warar ah. Inta badan fiidkii ayay kulmaan mararna telefoon bay ku xidhiiidhaan. Sheekadoodii maantu waxay ahayd sidan:


Huriwaa: Dunidani malaha way rogmanaysaa. Maalin walba wax aad la yaabto uun baad

maqlaysaa ama la kulmaysaa. Waa yaab

Hanad: Huuum….Maxaa maantana cusub? Anba sidoo kale ayaan yaabanahaye bal horta

taada ii sheeg.

Huriwaa: KA… KA …KAAA. Maanta ma akhriday Gabiley website oo sheegtay in

Mujaahid macnaheegu yahay fulaha ama nacaska ama tuuga ?

Hanad: Ma kaa dhab baa? Oo siduu u badali karaa, Mujaahid macnihiisa waa la yaqaane?

Huriwaa: Dadqalatadii ilaahay nacdalay ee fulayaasha ahaa ee jidka oo joogsaday baa

maantana Mujaahid lagu sheegay. Taasi yaab maaha?

Hanad: Waa runtaa dunidan way rogmanaysaa. Hadday sidan tahay anigu mujaahid

danbe ma sheegan karo. Waayo waxan ku faani jiray sidaan jeelkii Madheera u jebiyay een maxaabiista ugala baxay.

Huriwaa: ka… ka …. Kaaa waar kuwaasi horay innoo ceebeeyeen ee immikana ma

waxay keeneen inay magacii dadka soo halgamay ceebeeyaan?

Hanad: Waxani wax dad ah maaha oo waakii suldan Galaal ku tilmaamay inay yihiin dad

Yiciis ah.

Huriwaa: Haa waan xusuustaa markuu reer Gabilay la hadlayay odayashooda. Huuuum…

waa maxay Yiciis? Waxan u malayn waa wax aan sida dadka ahayn …Malaha waa daayeerta oo kale, mise waa dadqalato? Ma garanayo..waa wax sidaas ah.

Hanad: Ninka jidka dadka u joogsaday ee weliba dilay Quraankaaba sheegay inuu yahay

“ Qaadicu dariiq” oo Ilaahay wuu nacdaly. Waayo, waa fule doqon ah. sidaa geesinimo iyo mujaahid laguma sheegan karo.

Huriwaa: Haa. Ilaahay jidgooyada wuu nacdalay wuxuu ka digayaa fidnada ka iman karta oo ah ammaan darro iyo dadkoo kala goa. Intaa kuwan yiciiska ihi ma garan karaan waayo waa yiciis run ah siduu Suldaan Galaal sheegay.

Hanad: waa runtaa. Nin geesi ihi ama mujaahid ihi jid ma joogsado safar aan

hubaysnaynna ma qasho. Wuxuu iska celiyaa cid huabaysan oo la dagaalamaysa.

Huriwaa: Huum. Malaha mujaahidba ma garanayaan. Maxay garan karaan waa yiciis eh. Mujaahid waa kelmed af-carbeed ah oo ka timid Jihaad. Diintaana bannaysay marka naftaada laguugu yimaaddo ee hub laguu soo qaato sidii ciidamadii faqashta oo kale.

Hanad: war kuwan way inna ceebeeyeen Ilaahay ha ceebeeyo. Ma aragtaa dakaa jaarkoo u

way ka xishoodeen inay sidoo kale u aargoostaan. Waayo. Wax nacas walba u damiir lahayn ba u dhib yar inuu jid-gooyo sameeyo. Boqol jid bay joogsan karaan ayaa ilaalinaya. Damiirkoodaa ilaalina laakiin reer yiciis damiir ma laha!!

Abdikarim Osman

Sawnews.tk

Articles
WALI DADKA REER AWDAL MAAYNAN GARAN XAQIIQDA JIRT
Waxaynu wada ognahay inuu siiraanyo xaqiijiyay oo uu cadeeyay malintii natiijada lagu dhawaaqay inuu uciildhicin doono waxii uu ku sheegay mujaahidi more
 
Qormooyin Taxane Taariikhi ah Qarnigii 19-20 aad A

Warsanmag-Waxa uu maqaalkani ku soo baxay Warsanmag March 7/2010.Waxana uu ka mid ahaa qormooyin taxane tariikhda Awdal Q more

 
Awdal waxay u baahantahay ciidan-beeleed iyo Dekad
May 03,2010

Warsanmag-Waxa Borama ka socda olole balaadhan oo la doonayo in wax l more

 
Danta Samaroon baa ka horaysa danta Somaliland...

WAXAAN AAMINSANAHAY DANTA SOMALILAND IYO DANTA SAMAROON INAY DANTA SAMAROON HORAYSO. Waxa wax aad loola yaabo ah inuu abtigay Maxamuud Cabdilaa more

 
Necessity is the mother of the Minnesota convocati
Mar. 30 - Salaanta guud wixii ka dambeeya. It is a sure thing that there recently has been a lot more
 
International News(Shabakadaha Warka) Sports Networks(Shabakadaha Ciyaaraha) School Help(Waxbarashada Caruurta) Cool Kids(Maaweelada & Madadaalada Caruurta) Somali Web Sites(Shabakadaha Soomaalida)

  Visitor number 136996