Jan 17,2009.
Waxa aan dhirigalinayna in saxaafaddu S/Land aanay marnaba
taageerin ama aanay qarin falalka waxshiga ee dadqalatada ee ka fog dhaqanka
Reer S/Land .Gabiley News siday wax u ga qoreen qabashadii laba
nin oo Daqalatada waxa ay ahayd mid ka baxsan anshaxa saxaafadda isla markaana
dhiirigalinaysay falal dadqalato ka dib markii ay taageereen Dadqalkii laqabatay isla markaana ay shaaca ka qaadeen hal nin
oo reer Awdal ah oo ka mid ahaa sirdoonka ka hawl galay qabashada
Dadqalatada.Inkastoo ay saraakiil Reer gabiley ahi Ciidamada hogaminyaeen
kana hadleen siday u qabteen labada nin ee dadqalatada ah masuuliyadda gacan
ku qabashada iyo xidhistoodana inta badan ay ragaasi sameeyeen. Hadana Gabiley
News nin kaliya oo Reer Awdal ah ayey arintii oo dhan ku miseen si dadqalatadu
ay uga aar gudato, Waxay cinwaanka warka ka dhigeen:
Mujaahid Qarxiye oo si gaadmo ah loogu qabtay
Wajaale!
Waxay taasi ku cadaynaysaa in Gabiley News ay Dadqal Qarxiye,Cawar Xareed iyo
Dadqal Raage ay u haystaan Mujaahidiin.Waxa kaloo Mujaahidiin loogu yeedhaa
dhamaan sarakiishii SNM ta.Hadaba waxa looga baahan in Gabiley News iyo saxaafadda
kale ee S/Land in magaca mujaahid ciddi leh uun la siiyo.
Calaa kuli Xaal Gabiley News markii aan soo daynay qoraalka ku saabsan sidii
ay wax uga qoreen Qabshadii Dadqalatada markiiba way ka saareen.Waxaanay taasi
muujinaysa inay garteen in galeen khalad weyn isla markaana ay dhiirigelinayeen
fal waxshinimo oo aan S/Land hore uga dhicin.Way fiicantahay in ay khaladkooda
ay garten laakiin waxa looga bahanyahay in sameeyaan raali gelin ku socota shacbiga
S/Land iyo gaar ahaan Reer Awdal oo weli u samraya falkii lagu qashay haldoorkoodii
7/11.Gabiley News iyadoo og in weli dhiigi ragaasi maqanyihiin iyo hantidoodii,agoontiina
ay weli xidhanyihiin weerkii cadaa. Waa arin murugo leh in maanta markii Dadqal
Qarxiye la qabtayin lagu tilmaamo Mujaahid isla markaana ninki kali ahaa ee
reer Awdal ee ku jiray ciidamadii ka hawlgalay qabashada in ad Magaciisa soo
qortan si Dadqalatadu uga aar goosato idinkoo qarinaya Saraakiisha reer Gabiley
ee gacanta sare ku lahayd qabashada dadqalatadaas Gabiley News waxay ujeedadoodu
tahay in dadka wax ma garatada arinka loo tuso laba qabiil oo kala arrgoosanaya.
Hadii Reer Awdal ay doonayaan inay aargoostaan beri hore ayey dhici lahayd
.laakiin Reer Awdal taas meel bay iska dhigeen in dad aan waxba galabsan oo reer Gabiley
ah la laayo.Waxa kaliya ee ay sugayeen waxa ay aheyd wakhti kasta ha qaadatee
in la helo Gacan ku dhiigalayaashii oo ay ugu horeeyaan Dadqal Qarxiye oo gacanta
lagu hayo iyo kuwo kaloo Maqan.Waxan idiin sheegaynaa in Reer Awdal Dadqal mooyaane
aanay cid kale oo Reer Gabiley ah aanay waxba u heysan.Hase ahaatee wixii Taageera
Dadqalatada Sida Gabiley News iwm masuuliyadeda waa inay qaataan .
Warsanmag.com