Naftii Hure
 
Too many ideas can sometimes create more problems than solutions...just a reminder from us.... .... To contact us please call 613-898-3300 E-mail: info@warsanmag.com




    Music
Click to know more Click to know more Click to know more 
Wargeysyada S/Land wixii ay ka qoreen qabashadii Dadqalkii 7/11
 

Jan 15,2009.

Warsanmag.com-Wargeyska waaheen ,Borama news iyo Qarannews, Alnuur.com iyo Warsanmag iyo Harawo .com ayaa sii daayey qoraaladii ugu horeeyey ee ku saabsanaa qabashada mid ka mid ah qabashadii Dadqalatada.Intooda badan shabakadah Awdal way ka gaabsadeen qabashada dad qalatada oo ahayd arin aad looga sugayey xukuumadda inay wax ka qabato soo qabashada dadqalatda geysatay falkii waxshiga ahaa ee 7/11.Wargeysyada kale ee wax ka qoray waxa ka mid ah Gabiley News oo Daqalatada amaan iyo tageero la garab istaagtay iyagoo muujinayey inay dadqalatadu yihiin dad caadi oo ku nool degmada Gabiley.Isla sidoo kalena ku baaqay in Dadqal Raage maliishayadiisa ay markale falal dadqalato ah ka sameeyaan Tog-Wajaale iyo degaaanada ku dhow.Isla sidoo kale waxay shaaca ka qaadeen nin u dhashay Awdal oo xukuumadda u shaqeeya gaar ahaan sir doonka tasoo ay qawiyeen sirdoonkii qaranka.Isla markaana ay u fudaydinayaan Daqalatadu inay beegsadaan ninkaas.Haddaba haddii falal kale oo dadqalato ah ay fuliyaan Dadqalatadu dabcan waxa mas,uuliyadeed yeelandoonta Gabiley News oo qayb ka ah sida imika ay utaageersanyihiin dadqalatada.Waxyaabihii ay Gabiley News saaka ka qortay Dadqalkaas la qabtay iyagoo aad uga xun qabashadiisa waa ku wan:


War deg deg ah: Mujaahid Qarxiye oo si Dagan loo gaaday iyo Nin kale oo isna ay Boolisku ka dhexqabteen Tog-wajaale

Wararka aanu ka helnay Ilo Xogogaal ah oo ku sugan Magaaladda Tog-wajaale ayaa sheegaya in isla galabta labadaasi Nin ee Mid yahay Qarxiye.

Gabileynews-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Gaar ahaan Ciidamada Amniga ee Booliska Magaaladda Togwajaale oo kaashanaya Laanta Sirdoonka Magaaladda Tog-wajaale Ninka Lagu Magacaabo Jaamac Boorame ayaa la sheegay inuu ka danbeeyay Soo qabashada Ninkani ay Ciidamada Boolisku ku Tuhunsanaayeen inuu Fuliyey hawlihii Dilkii Jidgoynta ahaa ee lagula kacay Ganacsatada iyo Aqoonyahanadii Reer Boorame ee la laayay .

Wararka aanu ka helnay Ilo Xogogaal ah oo ku sugan Magaaladda Tog-wajaale ayaa sheegaya in isla galabta labadaasi Nin ee Mid yahay Qarxiye oo ah Muwaadin Reer Gabiley ah lagu soo qaaday Gaadhi Boolis taasoo wararku sheegayaan in Laso mariyay meel aan ahayn Laamayda ama dhabada ka Timaada Tog-wajaale ee Xidhiidhisa Kalabaydh balse lasoo Mariyay Waddadii hore ee Sare ee Mari jirtay Boodhlay waddadaasi oo kasoo gasha Koonfurta Magaaladda Hargeysa .

Inkasta oo aan la sheegin Goobta Rasmiga ah ee Ninkaasi lagu Xidhay Saldhigyada Magaaladda Hargeysa laakiin''se Qorshaha Ninkan Lagu soo xidhay Maadaama uu si Xoriyad leh uu u joogay Magaaladda Gabiley intii ka danbeysay Falkii ka dhacay Dilla iyo kalabaydh inta u dhaxaysa .

Waxaa ilaa caawa Magaaladda Hargeysa laga Gurayey Raxano Ciidamo Boolis ah oo Loo Gurayay si ay uga hawl galaan Rabshado la werwer qabo inay ka dhacaan magaaladda Tog-wajaale .

Sidee uu Xaalku Noqon Doonaa arrintani ma Noqon kartaa mid keeni karta inay Ciidamaddii Ina Sheekh Muxumed Raage inay weeraraan Magaaladda Tog-wajaale iyagoo wata Saanadoodii mise waxay Daaha u Furi doontaa inuu Qofka Denbi geystaa isagu kelidii iska xaalo .

Gabileynews
Global News Office

 

Articles
WALI DADKA REER AWDAL MAAYNAN GARAN XAQIIQDA JIRT
Waxaynu wada ognahay inuu siiraanyo xaqiijiyay oo uu cadeeyay malintii natiijada lagu dhawaaqay inuu uciildhicin doono waxii uu ku sheegay mujaahidi more
 
Qormooyin Taxane Taariikhi ah Qarnigii 19-20 aad A

Warsanmag-Waxa uu maqaalkani ku soo baxay Warsanmag March 7/2010.Waxana uu ka mid ahaa qormooyin taxane tariikhda Awdal Q more

 
Awdal waxay u baahantahay ciidan-beeleed iyo Dekad
May 03,2010

Warsanmag-Waxa Borama ka socda olole balaadhan oo la doonayo in wax l more

 
Danta Samaroon baa ka horaysa danta Somaliland...

WAXAAN AAMINSANAHAY DANTA SOMALILAND IYO DANTA SAMAROON INAY DANTA SAMAROON HORAYSO. Waxa wax aad loola yaabo ah inuu abtigay Maxamuud Cabdilaa more

 
Necessity is the mother of the Minnesota convocati
Mar. 30 - Salaanta guud wixii ka dambeeya. It is a sure thing that there recently has been a lot more
 
International News(Shabakadaha Warka) Sports Networks(Shabakadaha Ciyaaraha) School Help(Waxbarashada Caruurta) Cool Kids(Maaweelada & Madadaalada Caruurta) Somali Web Sites(Shabakadaha Soomaalida)

  Visitor number 136987