Jan 06, 2010
Hargaysa,(Qarannews)-Waa xidhan yahay Golaha Guurtiddu,
waan xidhiy sharcigaana ii fasaxaaya Golaha mar haddii uu khaakhuul galo, sidaasi
waxa ku tiraabay Guddoomiyihii hore ee Xilka laga qaaday ee Guddiga Joogtada ee
Guurtidda Xildhibaan Cabdillaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) oo maanta Shir-jaraa’id
oo uu ku diidan yahay Xil ka qaadista Shirgudoonku kaga qaadeen Guddoomiye-nimadii
Guddiga Joogtada. Sidoo kale kaga hadlay sababta xilka qaadistiisa ka dambayso
Madaxtooyadu oo lagu socdo Guddoomiyaha Golaha Guurtidda.
Shirka Jaraa’id ee uu sidaasi ka sheegay waxa ku wehelinayay Mudanayaal kale
oo ka tirsan Guddiga Joogtada kuwaasi oo taabacsan Guddoomiyaha Golaha Mudane
Saleebaan Maxamuud Aadan, oo ay ku andacoonayaan in ay Xukuumaddu doonayso in
xilka ka qaado. Iyagoo ku eedaynaya in sababta sidan loo sammaynayaa ay tahay
in aan Doorasho Dalka ka dhicin.
Waxay Xildhibanadaasi ku baaqeen inuu Goluhu xidhan yahay illaa inta uu ka immanaayo
Guddoomiyaha Golaha Guurtiddu haddii kale la isku dili doono.
Ugu horayn Shirkkaasi jaraa’id waxa ka hadlay Guddoomiyhii hore ee Guddiga
Joogtada ee xilka laga qaaday Xildhibaan Cabdillaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad)
waxaanu ku bilaabay sida:-
Hawlo laga wada Madaxtooyada oo la leeyahay Shir-guddoonkii iyo Guddoomiyihii
Joogtadaba rida la leeyahay, Guddi Joogto ah oo kale inoo sammeeya, iyadoo aanay
ciddiba ogayn ayaa xalay nagu soo dhacday, la yaab malaha oo waa weerarkii idinkuba
aad ogaydeen ee maalin walba jiri jiray, waxaana wada kuwii aad ku tiqiineen,
waana intii oo aan qofna laga beddelin, Sh. Axmed Nuux, Siciid Timo-wayne iyo
Xog-hayihii saddexdaa ayaa waxoodii wada oo Aqalkaa (Madaxtooyda) ka soo wada,
markii hore Dhaameel qaadasho lacag ayayba ahayd imika waa garoomo shalay ayaa
la jeexanayay, anigu waxaan ahay Guddigii Joogtada, intii Goluhu uu soconaayay
aniga ayaa Golaha waday, warbixintii aanu maalintii dhawayd soo saarnay ee uu
diiday in la soo saaro Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Sheekh Axmed Nuux, Sheekh
maaha ninka maalin walba la laayahay kaalay gawrac Guurtidda.
Anigu haddii aan ahay Guddoomiyihii Guddigga Joogtadda intii Shirku isku imanaayo
ee la isku wada imanaayo waa xidhan yahay Golaha Guurtiddu, waan xidhiy sharcigaana
ii fasaxaaya Golaha mar haddii uu khaakhuul galo, loona taag-waayo kuwii kalee
meesha joogay wuu xidhan yahay Goluhu.
Waxan waxa looga jeedaa in aan (Vote) dhicin, waxa looga jeeda in khaakhuul
la rido, waxaasi oo dhana waxaa wata ninkaasi (Madaxweynaha) Madaxweyne maahee
waa ninkaasi maalinba dargad yar iibinaya, dadku sabool ayuu u bixiyaybee.
Tan iyo inta uu maqan yahay Guddoomiyaha Golaha Guurtiddu uu xidhan yahay Aqalkaasi
Guurtiddu.
Xildhibaan Sheekh Maxamuud Xirsi Faarax :-
“Wixii Qaranku noo igmaday ee ay Ummada reer Somaliland noo igmatay dhanka
kale ayaa loo rogay, Xeerasha in aanu ansixino ayay ahayd oo aan shaqayno waa
la gooyay wixii oo dhan, Golihii ayaa lagu soo jeedsaday sidii Shir-gudoonka
loo badali lahaa, ninkaa maqan ee safarka ku maqan ee maanta inuu dhintay iyo
inuu nool yahay war aan laga hayn si loo badalo, kol waxaa na loo soo cuskaday
Xeer Hoosaad, oo kolka horeba la laalay oo laga heshiiyay, kii ayaan hor-joogsanay
oo ballanteenu sidaasi ma ahayn ayaanu nidhi, haddana waxa la bilaabay Guddigii
Joogtada ahaa. Guddiga Joogtadu Xeer ayay lahayd xeerkeediina waa laga weecday
waxbaa looga dan leeyahay, waa Guddoonka waxa lagu socdaa, markaasi waxaan leeyahay
inta Guddoomiyuhu imanaayo sidaasi uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Joogtadu
Goluhu waa xidhan yahay, haddii kale waa la isku dili.”
Xildhibaan Jaamac Faarax Axmed:-
Waxaan u sheegaynaa Ummadda aanu halkan u fadhino in hawl-galkii la doonaayay
dalkan in aanay Doorasho kaga dhicin halkan laga wado, la doonaayana in khal-khal
dhaco mar labaad, inta Guddoomiyaha Guurtiddu imanaayona uu Goluhu sidaasi uu
sheegay Guddoomiyaha Guddiga Joogtaddu uu ku xidhan yahay.
Source: Waaheen