Naftii Hure
 
Too many ideas can sometimes create more problems than solutions...just a reminder from us.... .... To contact us please call 613-898-3300 E-mail: info@warsanmag.com




    Music
Click to know more Click to know more Click to know more 
Markii Xaaladii Siyaasadeed ee S/Land Murugtay Dhiirane Muxuu ku sifeeyey.
 
Saddex Waraabe iyo Lax.

Jan 1,2009.

Aug 26,2009. Maqaalkani waxa uu ku soo baxay ugu horeystii Warsanmag.com Sept/2007.Waxana u saadalin u ahaa hanaanka siyasadeed ee S/Land ku socota anigoo soo qaatay sheeko ku saabsan Lax iyo Saddex Waraabe oo ku heshiiyey inay dhaqdaan laxda hase yeshee ay suurageliweyday ugu dambeystii.Taso soo ugu dambeystii colaad hor leh iyo dhib aan hore ujirin u keentay in Habar Waraabe ay is beegsadaan.

sheekadii oo dhameystirani waa tan:
Waxaa jirta in Somalidu madaama ay ahaayeen dad xoolo dhaqato ah ay sheekooyin badan oo ku saabsan habar dugaaga iyo xoolaha ay dhaqdaan ay sameyn jireen.sheekooyinkaas oo ku fadhiya murti iyo xigmad dheer iyadoo mararka qarkood madadaalo unoqota dhalaanka iyo dhalinta yaryar.
Hadaba waxaa jirtay berri hore in ay saddex waraabe lax gacanta ku soo dhigeen dabadeedna ay ku heshiiyeen inay dhaqdaan oo aanay cunin.
Inkastoo Waraabayaashu ay muujinayeen mudada hore in ay ka dhabeeyaan hawshaas adag ee aaanay caadada u laheyn ee ku saabsan dhaqashada laxda.Hadana kama ay maqneyn inuu mid waliba gaarkiisa uga fakaro isagoon kii kale usheegin dhibaatada ugaarka ah ee ay laxdu ku heyso. Sidaa Awgeed ayaa Maaalin maalmaha ka mid ah waraabayashii mid ka mid ahi is heysan kariwaayey oo waxa uu yidhi war nimanyahow baryahaaba hurdo kama bogan waxa igu dhacay salal aan hurdada ka soo boodo iyo naxdin aan moodayo inay wax i cunanyaan markaan habeenkii hurdo tasoo aan mar walba aan ka cabsi qabo in dugaag kale oo laxda beegsaneyey uu aniga adhaxda ijaro.
Waraabihii labaad ayaa isna soo booday oo yidhi war nimayahow laxdani markaan aroorinayo ee aan ceelka geynay lugaheeda qalaafoda leh ayey sigada iyo boodh indha igaga rogtaa oo indhii baaban gabaabsi ka joogaa.Waraabihii sadexaadna oo ahaa duqooda magaciisana la odhan jiray Danab isla kacoo isna waxa uu yidhi war niman yahoo waxa taas ka daran habar dugaag oo dhani laxdaas ayuu inagu nacay oo cadow ayaa la inagu wada yahay miyey daan taa ogeyn.markaa halkaa waxa ka cadaatay in laxdaas xaalkeedii uu gagabo yahay oo dhimasho uun ay u hadhay.Waxa hadaba muuqata in saddexdii waraabe ay isla afgarteen dhibta ay laxdu heyso o aanay dhaqasho dambe laheyn.Waxaana la isku afgartay in laxda laga takhaluso oo qudha laga jaro, hase ahaatee Duqii waraabayaasha oo magaciisa la odhan jiray Danab ayaa waxa uu soo jeediyey inaanay laxdu gacantooda ku dhiman ee ay haboontahay in laxdu ku dhimato Gole ay fadhiyaan Habar Waraabe oo dhani oo dhimashadeeda ay ka wada qeyb qaataan si ay unoqoto Godob reeb oo coladii laxda dhaqashadeeda la inoogu qaaday inooga hadho.
Arintaana waa la isku raacay waxa loo balamay in laxda la geeyo Gole habar Waraabe fadhiyo si looga takhaluso.Hase yeeshe Duqii Danab arintaa daacad kama aheyn oo waxa uu ka baqayey in labada waraabe oo ka da,yaraa kana xoog badnaa ay cuntuugada horeba cadka laxda ay la ruuqaan dhamaantis oo waxba ka heliwaayo, sidaa Awgeed ayaa uu taladan u keenay in laxdu ay ku dhimato Gole habar Waraabe.Tasoo uu duqa sii balamiyey koox kale oo Waraabayaal ah oo ka xoogbadan labadan kale oo marka laxda qudha laga jaro duqa u keena Sakaarka iyo Macasha laxda oo weligiiba ku hamiyi jiray inu afka marsado.
Sidii ay balantu aheyd ayaa laxdii la keenay Gole Habar Waraabe fadhiyo.Waxaana hadal kooban oo munaasabadda ku saabsan soo jeedyey duqii Danab isagoo si gaara raaaligelin usiiyey dhamaan Habar Warabe isagoo ka codsaday in coladii iloobaan laxdiina ay halkan imika joogto si dhimashadeda looga wada qeybqaato oo ay u noqoto godob reeb falkii foosha ee ee dhaqashada laxda oo kasoo horjeeday dhaqanka habardugaag oo dhan.
Ka dib duqii oo aaan hadalkii dhameynba ayaa koox duqu la sii balamay markaliya weerar ku qaadeen laxdii oo badhtanka madasha taagan oo adhaxda goyeen laxdii ka dibna inta cantuugo cadkii laxda mid walba la istaagay ayaa kooxdii dhinac iskula baxeen.
Halkasoo duqii danab na Macal iyo Sakaarkii loo tuuray sidii balantu aheyd iyado dhinaca kalena or iyo sawraxan ay isla oogsadeen Waraabayaashii kale ee golaha fadhiyey arinta meesha ka dhacdayna liqi kariwaayey.
ka dib waxa dhacday in Waraabayaashii ay sadex kooxood ukala baxaan kox waliba ay kooxda kale beegsato.Tasoo keentay argoosi lala beegsado duqii danab iyo kooxdiisi.
hadaba markaad sheekadan u fiirsato oo aan qoray laba sano ka hor Sept/2007 oo markaa saadaal uun iga aheyd waxa soo socda laakiin imika ka dhacday todobaadkii dhoweyd golaha Wakiilada labo jeer oo kii udambeeyey gacanta la iskula tagay.Miyaanay kuula ekeyn in S/Land tahay laxdaa dhimatay ee sadexda waraabe ku heshiiyen inay dhaqdaan ugu dambeystiina ku dhimatay gacantooda iyadoo waliba abuuratay colaad hor leh oo ah Habar Waraabe is beegsaneyo.

mohamed dhiirane


Articles
WALI DADKA REER AWDAL MAAYNAN GARAN XAQIIQDA JIRT
Waxaynu wada ognahay inuu siiraanyo xaqiijiyay oo uu cadeeyay malintii natiijada lagu dhawaaqay inuu uciildhicin doono waxii uu ku sheegay mujaahidi more
 
Qormooyin Taxane Taariikhi ah Qarnigii 19-20 aad A

Warsanmag-Waxa uu maqaalkani ku soo baxay Warsanmag March 7/2010.Waxana uu ka mid ahaa qormooyin taxane tariikhda Awdal Q more

 
Awdal waxay u baahantahay ciidan-beeleed iyo Dekad
May 03,2010

Warsanmag-Waxa Borama ka socda olole balaadhan oo la doonayo in wax l more

 
Danta Samaroon baa ka horaysa danta Somaliland...

WAXAAN AAMINSANAHAY DANTA SOMALILAND IYO DANTA SAMAROON INAY DANTA SAMAROON HORAYSO. Waxa wax aad loola yaabo ah inuu abtigay Maxamuud Cabdilaa more

 
Necessity is the mother of the Minnesota convocati
Mar. 30 - Salaanta guud wixii ka dambeeya. It is a sure thing that there recently has been a lot more
 
International News(Shabakadaha Warka) Sports Networks(Shabakadaha Ciyaaraha) School Help(Waxbarashada Caruurta) Cool Kids(Maaweelada & Madadaalada Caruurta) Somali Web Sites(Shabakadaha Soomaalida)

  Visitor number 136992