March 1,2010
Warsanmag-Waxan jecelahay inan halkan idinku soo bandhigo dhowr
maqaal oo oo ku saabsan taariikhda Awdal ee qarnigii 19 aad, oo qeyb ka ah buug
aan qoray labaatan sano ka hor oo ku beegan 1985 bugaas oo magaciisa yahay(Awdal 1884) .waxa
ay qoraaladan soo koobayaan faragelintii dawladaha qarbigu ay ku sameeyeen dhulka
soomalida guud ahaan iyo gaar ahaan sidii ay usameeyeen gobolka Awdal (Saylacl
iyo Harar) oo ay wakhtigaas ay ka jirtay dawlado somaliyeed oo madax banaan
iyo ilbaxnimo fac weyn .waxan aan ku eegi doonaa qoraaladan isbedelkaas oo keenay
dib udhac dhinacyada siyaasadda
dhaqaalaha iyo dinaca arimaha bulshada intaba.
Faragelintii shisheeyaha.
Wixii ka horeeyey qarnigii sagaal iyo tobnaad aakhirkiisii waxa ka jiray gobolka
Awdal iyo Harar maamulo maxali ah oo dad somaliyeed ee degaankaas dagani ay
is maamulaan inkastoo guud ay dusha ka ilaalin jirtay dawladii cusmaanyinta
ee turkigu gaar ahaan dhulka xeebaha ah .waxa ay dawladii cusmaaniinyiintu wakhtigaas
ay toos u xukumeysay waddanada islaamka intooda badan ee ku yaalay bariga dhexe
sida: Masar, Xijaas, Shaam ,Yaman iyo Suuriya oo ay wakiilo si toos ah umaamulaa
u fadiyeen .Masar(Egypt) o ka mid aheyd wadamadii boqortooyada turkigu ay maamuli
jirtay ayaa ka madax banaanatay ka dib markii uu Maxamed cali talada la wareegay
.Waxa ay Masaaridu bilaabeen inay iyagu iskeed isku xukumaan kadibna maamulkoodii
ay ku fidiyaan dalalka ku yaal xeebaha bada cas ee somalida iyo webiga niil.
Masaaridu iyagoo ujeedadaas fulinaya ayey sanadihi 1875 -85 ay si toos ah usoo
farageliyeen maamulkii dhulka soomalida ee gobolada woqooyi (S/land iyo Harar)
waxana maamulkoodii ay gaadhsiiyeen magaalooyinka Seylac,Harar ,Berbera ,iyo
Buloxaar. Waxa kaloo ay Masaridu sahan udirieen dhinaca xeebaha Koonfurta Somaliya
oo ay gaadheen dekadda Kismayo iyo webiga Jubba inkastoo aanay wax maamul ah
ka sameynin.
Masaaridu waxay keeneen Wakiilo u xukuma magaalooyinka Seylac ,Harar,iyo Berbera
iyo askar iyo shaqaale tiradoodu ay gaadheysay ilaa iyo toban kun.waxay masaaridu
dhulkaas Somaliyeed ku sugnaayeen muddo toban sano ah (1875-1885).
Hadaba Masaridu iyagoo aan mashruucaas dhameystirin ayaa waxaa soo food saaray
dhibaatooyin dhaqaale oo usaamixi wayey inay maamulkaas sii waddo .Dhibaatooyinkaas
dhaqaale ee masar ka hor yimid waxa ugu miihiimsanaa dayen ay wadamada reer
yurub ku yeesheen ka dib markii la dhisay Suweys canal o masaarida la deymiyey
lacag badan oo ku baxday dhismahaas suweys canal.lacagtaas o ay deymiyeen shirkado
Ingiriis iyo Faransiis ah. Dhibaatooyinkaas dhaqaale awgeed ayaa Masaarida ku
khasbay inay gacanta ugasho dawladihii reer yurub oo u tartamayeyey gaar ahaan
Ingiriiska iyo Faransiiska .
Sanadkii 1882 ayaa ingiriisku iyo Masaaridu ku heshiiyeen in la ilaaliyo Masar
lafteeda iyo dhamaan dhulki somalida ay masaaridu hore u xukumi jirtay ee geeska
Afrika iyo Suudaan .
Waxa ay masaaridu maamulkoodii ay go,aan ku gaadheen in dhulkii xeebaha woqooyiga
ee seylac iyo Berbera iyo Harar ay ka soo baxaan bisha May 1884.kadibna ay ku
wareejiso ingiriiska.
Si is bedelkaas loogala tashada loona wargeliyo inay masaaridu
dhulkii soomalida ee xeebaha badda cas iyo harar ay ka baxayso ayaa looogu yeedhay
Ugaas Nuur Ugaas Rooble iyo wafti odayaal inay boqoshao ku yimaadaan Masar 1883.wafdigaas
waxa martiqaad usoo diray Khadiif Ismaciil Bashe oo ahaa boqorkii masaarida.
I.M.Lewis oo arintaas ka hadlaya waxa uu yidhi "Wafdiga Ugas Nuur waxa
soo dhaweeyey oo maamuumusay Khadiif Ismaciil baashe oo ahaa boqorkii Masaarida
waxana uu gudoonsiiyey hadiyado badan oo ka mid ahaa hub iyo saanad."
Khadiif Ismaciil waxa uu Ugaas Nuur iyo wafdigiisa uga waramay dhibaatooyinka
dhaqaale ee Masar soo wajahay taasoo usaamixi weyday inay xukunkoodii ka sii
wadaan dhulka soomalida.
Wafdigaas waxay dhulka masaarida joogeen muddo dhowr todobaad ah waxana ay booqdeen
meelo badan oo taariikhi ah iyagoo u marti ahaa xukuumadda iyo boqorka. Wafdigaas
waxa uu ka koobnaa afar oday:
1- Ugaas Nuur Ugaas Rooble.
2- Ugaas Cilmi Warfaa Ugaas Rooble(Cilmi Dhere)
3 Mudane Caamir Dhurwaa
4- Mudane Kulmiye Guuleed
Waxa kaloo masaariduu ay Ugaaska iyo wafdigaas ka codsadeen sidii ciidamada
masarida ee Harar soo bixitaankooda min Harar ilaa Seylac ay gacan uga geysan
lahaayeen nabadgelyadooda iyo sidii xukuumadda Harar dib loogu celin lahaa Amiir
Cabdillahi Cabdi shakuur oo ah qoyskii talada ay kala wareegeen masaaridu toban
sano ka hor oo ka soo jeeda reer Amiir Nuur oo talada ka dhaxlay Axmed Guray
oo ka soo jeeda Beesha (Abrayn, Samaroon).
Kutubta la raad raacay(References).
Awdal 1884 By Mohamed Dirane.
Modern History of Somalia By I.M Lewis.
Ifafaalaha Awdal(Awdal Phenomena) By Bashiir Goth.
Islam Fii Sharqi Ifriiqiya By Mohamed Almuqtasim.
Manaxe By Xaaji Cumar Kaahin(Dhiirane).
Somali Penninsula by Somali Government.
Wareysiyo Duqey Reer Awdal ah.
Mohamed dhiirane