Naftii Hure
 
Too many ideas can sometimes create more problems than solutions...just a reminder from us.... .... To contact us please call 613-898-3300 E-mail: info@warsanmag.com




    Music
Click to know more Click to know more Click to know more 
Heshiiskii Gadabuursiga iyo Ingiriiska (Anglo-Gada
 
March 1,2010

Warsanmag-Markii ay masaariddu caddeysay inay ka baxayaa xeebaha dhulka soomaliland iyo Harar ,ayaa ingiriisku bilaabay in uu ka fakaro wixii ay ka yeeli laahyeen xeebaha S/land iyo gobolka Harar.
Harar iyo Seylac waxa ay ahaayeen labo magalo oo muhiim ah Seylac gaar ahaan waxay aheyd muddo qarniyaal ah xaruntii mamulkii dawladii Awdal(Adal Empire) waxaana ay ahaayeen labada magaalo ee ugu qanisan geska Afrika taasoo keentay inay dhamaan wadamadii reer yurub ay si gaar indhah ugu hayaan gar ahaan Ingiriiska iyo Faransiiska.

Major Hunter oo ahaa wakiil ingiriisku umagacaabay talooyinka ku saabsan xeebaha soomalida ee woqooyiga ayaa waxa usoo jeediyey Taladan:
In gobolka awdal iyo xeebaha heshiis lala galo odayaashooda, gobolka kale ee Hararna uu iskiis isku maamulo oo ka madax banaaanado maamula ingiriiska .
Markaas ayaa ingiriisku bilaabay inuu hehiis la galo odayashii Gadabuursiga ee reer Awdal .
Waxa heshiiskan lagu kala sexiixday magaalada Seylac bishii December 11 keedii 1884.
heshiiskaas waxa lagu qoray saan dhererkeedu dhanyahay 74cm balaceeduna dhanyahay 60cm.Saanta heshiiskani ku qoran yahay ayaa loo soo bandhigay Somalida 1974.Iyadoo la dhigay Haragii heshiisku ku qornaa Somali national Academy of Arts & Science.
Heshiiskani waxa uu ka koobanyahay shan qodob.
Qodobka 1aad

Qodobka kowaad ee heshiiskani waxa uu cadaynayaa in dhulka Gadabuursiga ee odayaasha saantan ku saxeexani ay wakiil ka yihiin aan dhulkooda la Googoon karin la Rahmi karin cid kalena aan la Siin karin,Xoogna aan lagu qabsan karin inta ay ilaalinta dawldda ingiriiska ku jiraan.Ingiriiskuna ku ekaado oo ku koobnaado sifo ilaalin oo kaliya (protectorate clause only).
Qodobka 11aad
Qodobka labaad waxa uu ogolanayaa in maraakiibta sidata calanka Ingiriisku ay iman karaan kana ganacsan karaan dekadaha iyo xeebaha dhulka Gadabuursiga.
Qodobka 111aad
Dadka Gadabuursiga ah ee dhulkaas degani waa in ay ilaaliyaan dadka safarka ah iyo dadka dhulkooda booqda oo nabadgelyadooda la sugaa .

Qodobka1Vaad
Dhamaan socodka iyo ka ganacsiga adoonta waa in laga joojiyaa xeebaha iyo dekadaha dhulka Gadabuursiga,saraakiisha ingiriiskuna waxay awood uleeyihiin inay qabtaan wixii addoon ah ee la marinayo badda cas iyo dhulkaba.
Qodobka Vaad
Dawladda ingiriisku waxay awood uleedahay inay wakiilo usoo magacawdo dhulka ay ilaalintiisa masuulka ka tahay ,wakiiladaasna waa in amaankooda la ilaaliyaa.

heshiiskan waxa lagu saxeexay magaalada SAYLAC 11kii december 1884.oo la mid ah 25kii Safar 1302(Hijrada).
Dhinaca Gadbuursiga odayaasha heshiiskan sexeexay waxay kala ahaayeen magacyadoodu sidan:
1- Jamac Rooble
2-maxamed Cali bolol
3- Ugaas Cilmi Warfaa Ugaas Roble
4- Rage Kheyre
5-Waberi Iidle
6-Ducaale Dubad
7-Caamir Cigaal
8- Geele Shirwac
9-Warfaa Rooble
10-Yoonis Buux

Dhinaca Ingiriiska waxa heshiiskan usaxeexay:

1- F.M Hunter (Bombay staff corps)
2- Percy Downs (First grade officer .I.M)
3- Defferin (Vecery and Governor General of India)

Waxa heshiiskan isna qalinka ku duugay ugu dambeyntii xoghayaha guud ee ingiriiska u fadhiyey
Calcuta India bishii Feberwary 25 keedii sanadkii 1885kii.

4- H.M Durand (officiating secretary to the of Indian foreign depatment)


Saantan heshiiskani ku qornaa waxa keydiyey oo hayey muddo 100 sano Xaaji Jaamac Muxumed Ugaas Cilmi(Alayarxama) oo ka dhaxlay awowgii ugaas Cilmi(cilmi dheere) oo ka mid ahaa odayaashii dhinaca Gadabuursiga u saxeexay heshiiskan .Xaaji Jaamac(ala yarxama)waxa saantan soo bandhigay 1974 halkaas lagu soo qoray wargeyskii xidigta oktoober ee muqdisho iyadoo ay ka soo qeyb galeen saraakil sare oo xukumadda ka tirsana soo bandhigaas oo ka dhacay machadkii Academiyadda dhaqanka iyo taariikhda ee somaliyeed.halkaas koobiyo ka mid ahna la dhigay Akademiyadda sidii cidii taariikhda baaareysaa ay uga hesho.

Kutubta la raad raacay(References).

Awdal 1884 By Mohamed Dirane .

Somali Protectorate By Diana Fernon.

Awdal Phenomena By Bashir Goth.

Somali Penninsula By Somali Gov.

Manaxe By Xaaji Cumar Kaahin.

Ilbaxnimadii Awdal By Sheekh Abdirahman Qaadi

Mohamed dhiirane

Mohameddrn@yahoo.ca

Articles
WALI DADKA REER AWDAL MAAYNAN GARAN XAQIIQDA JIRT
Waxaynu wada ognahay inuu siiraanyo xaqiijiyay oo uu cadeeyay malintii natiijada lagu dhawaaqay inuu uciildhicin doono waxii uu ku sheegay mujaahidi more
 
Qormooyin Taxane Taariikhi ah Qarnigii 19-20 aad A

Warsanmag-Waxa uu maqaalkani ku soo baxay Warsanmag March 7/2010.Waxana uu ka mid ahaa qormooyin taxane tariikhda Awdal Q more

 
Awdal waxay u baahantahay ciidan-beeleed iyo Dekad
May 03,2010

Warsanmag-Waxa Borama ka socda olole balaadhan oo la doonayo in wax l more

 
Danta Samaroon baa ka horaysa danta Somaliland...

WAXAAN AAMINSANAHAY DANTA SOMALILAND IYO DANTA SAMAROON INAY DANTA SAMAROON HORAYSO. Waxa wax aad loola yaabo ah inuu abtigay Maxamuud Cabdilaa more

 
Necessity is the mother of the Minnesota convocati
Mar. 30 - Salaanta guud wixii ka dambeeya. It is a sure thing that there recently has been a lot more
 
International News(Shabakadaha Warka) Sports Networks(Shabakadaha Ciyaaraha) School Help(Waxbarashada Caruurta) Cool Kids(Maaweelada & Madadaalada Caruurta) Somali Web Sites(Shabakadaha Soomaalida)

  Visitor number 137203