March 1,2010
Warsanmag-Markii ay masaariddu caddeysay inay ka baxayaa
xeebaha dhulka soomaliland iyo Harar ,ayaa ingiriisku bilaabay in uu ka fakaro
wixii ay ka yeeli laahyeen xeebaha S/land iyo gobolka Harar.
Harar iyo Seylac waxa ay ahaayeen labo magalo oo muhiim ah Seylac gaar ahaan waxay
aheyd muddo qarniyaal ah xaruntii mamulkii dawladii Awdal(Adal Empire) waxaana
ay ahaayeen labada magaalo ee ugu qanisan geska Afrika taasoo keentay inay dhamaan
wadamadii reer yurub ay si gaar indhah ugu hayaan gar ahaan Ingiriiska iyo Faransiiska.
Major Hunter oo ahaa wakiil ingiriisku umagacaabay talooyinka ku saabsan xeebaha
soomalida ee woqooyiga ayaa waxa usoo jeediyey Taladan:
In gobolka awdal iyo xeebaha heshiis lala galo odayaashooda, gobolka kale ee Hararna
uu iskiis isku maamulo oo ka madax banaaanado maamula ingiriiska .
Markaas ayaa ingiriisku bilaabay inuu hehiis la galo odayashii Gadabuursiga ee
reer Awdal .
Waxa heshiiskan lagu kala sexiixday magaalada Seylac bishii December 11 keedii
1884.
heshiiskaas waxa lagu qoray saan dhererkeedu dhanyahay 74cm
balaceeduna dhanyahay 60cm.Saanta heshiiskani ku qoran yahay ayaa loo soo bandhigay
Somalida 1974.Iyadoo la dhigay Haragii heshiisku ku qornaa Somali national Academy
of Arts & Science.
Heshiiskani waxa uu ka koobanyahay shan qodob.
Qodobka 1aad
Qodobka kowaad ee heshiiskani waxa uu cadaynayaa in dhulka Gadabuursiga ee odayaasha
saantan ku saxeexani ay wakiil ka yihiin aan dhulkooda la Googoon karin la Rahmi
karin cid kalena aan la Siin karin,Xoogna aan lagu qabsan karin inta ay ilaalinta
dawldda ingiriiska ku jiraan.Ingiriiskuna ku ekaado oo ku koobnaado sifo ilaalin
oo kaliya (protectorate clause only).
Qodobka 11aad
Qodobka labaad waxa uu ogolanayaa in maraakiibta sidata calanka Ingiriisku ay
iman karaan kana ganacsan karaan dekadaha iyo xeebaha dhulka Gadabuursiga.
Qodobka 111aad
Dadka Gadabuursiga ah ee dhulkaas degani waa in ay ilaaliyaan dadka safarka ah
iyo dadka dhulkooda booqda oo nabadgelyadooda la sugaa .
Qodobka1Vaad
Dhamaan socodka iyo ka ganacsiga adoonta waa in laga joojiyaa xeebaha iyo dekadaha
dhulka Gadabuursiga,saraakiisha ingiriiskuna waxay awood uleeyihiin inay qabtaan
wixii addoon ah ee la marinayo badda cas iyo dhulkaba.
Qodobka Vaad
Dawladda ingiriisku waxay awood uleedahay inay wakiilo usoo magacawdo dhulka
ay ilaalintiisa masuulka ka tahay ,wakiiladaasna waa in amaankooda la ilaaliyaa.
heshiiskan waxa lagu saxeexay magaalada SAYLAC 11kii
december 1884.oo la mid ah 25kii Safar 1302(Hijrada).
Dhinaca Gadbuursiga odayaasha heshiiskan sexeexay waxay kala ahaayeen magacyadoodu
sidan:
1- Jamac Rooble
2-maxamed Cali bolol
3- Ugaas Cilmi Warfaa Ugaas Roble
4- Rage Kheyre
5-Waberi Iidle
6-Ducaale Dubad
7-Caamir Cigaal
8- Geele Shirwac
9-Warfaa Rooble
10-Yoonis Buux
Dhinaca Ingiriiska waxa heshiiskan usaxeexay:
1- F.M Hunter (Bombay staff corps)
2- Percy Downs (First grade officer .I.M)
3- Defferin (Vecery and Governor General of India)
Waxa heshiiskan isna qalinka ku duugay ugu dambeyntii xoghayaha guud ee ingiriiska
u fadhiyey
Calcuta India bishii Feberwary 25 keedii sanadkii 1885kii.
4- H.M Durand (officiating secretary to the of Indian foreign depatment)
Saantan heshiiskani ku qornaa waxa keydiyey oo hayey muddo 100 sano Xaaji Jaamac
Muxumed Ugaas Cilmi(Alayarxama) oo ka dhaxlay awowgii ugaas Cilmi(cilmi dheere)
oo ka mid ahaa odayaashii dhinaca Gadabuursiga u saxeexay heshiiskan .Xaaji
Jaamac(ala yarxama)waxa saantan soo bandhigay 1974 halkaas lagu soo qoray wargeyskii
xidigta oktoober ee muqdisho iyadoo ay ka soo qeyb galeen saraakil sare oo xukumadda
ka tirsana soo bandhigaas oo ka dhacay machadkii Academiyadda dhaqanka iyo taariikhda
ee somaliyeed.halkaas koobiyo ka mid ahna la dhigay Akademiyadda sidii cidii
taariikhda baaareysaa ay uga hesho.
Kutubta la raad raacay(References).
Awdal 1884 By Mohamed Dirane .
Somali Protectorate By Diana Fernon.
Awdal Phenomena By Bashir Goth.
Somali Penninsula By Somali Gov.
Manaxe By Xaaji Cumar Kaahin.
Ilbaxnimadii Awdal By Sheekh Abdirahman Qaadi
Mohamed dhiirane
Mohameddrn@yahoo.ca