March 1,.2010
Warsanmag-Umadaha aduunkan ku nooli waxay leeyihin Tariikh
ay ku faanaan oo ay ku soo dhaqmeen.Waxay taariikhdaasi iyo soyaalkasi ka bilaabma
Qoyska,ka dibna Qoomiyad ama Gobol ayuu u gudbaa waxana uu sii gudbaa qaran
Sida qaranka Somalida ilaa iyo qaarad sida qaaradda Afrika.Umadda Somaliyed
waxay wadagtaa taariikh ay ku wada faanaan oo oo gees ilaa gees laga tix galiyo
wadankeena.Meelaha Taariikhdaas ay ceegaagto waxa ka mid ah Gobolka Awdal oo
ah meelaha ugu qanisan tariikhdeena. Caasimadda Saylac waxay ahayd qarniyaal
xudunta soyaaalkeenna B.C Ciise ka hor ilaa bilowgii xadaaradda Islamka.
Beelaha Samaroon waxay nasiib u helen in degaankoodu uu noqdo Awdal iyo Caasimadda
Saylac taasoo u suurta galisay inay helaan Xadaarad iyo ilbaxnimo facweyn.Waxa
beelaha Samaroon u suuragashay iyagoo degaankaa ilaahay ku abuuray ee Ilbaxnimada
qaniga leh inay samaystaan hogaan iyo maamul u adeega danahooda.Qarnigii 10
naad waxa ay doorteen Ugas Cali makahiil dheere inuu noqdo Ugaaskoodii ugu horeeyey.
Qodobadan waxay ka mid ahaayeen xeerarkii Gadabuursigu
samaysteen
1. Waxay go’aamiyeen oo isla waafaqeen dhamaantood inuu ahaado Ugaaska
Gadabuursiga noqdo Ugaas Cali. Sidaas ayuuna ku noqday Ugaaskii ugu horayay
ee loo doortay madaxnimada. Ayna ahaato boqornimadaasi tu ku kooban reerka uu
ka dhashay Ugaas Cali oo kaliya. Hadduu Ugaasku geeriyoodo in uu Ugaasnimada
uu ka dhaxlo wiilkiisa ugu wayn, ayna u kala qaataan boqornimada siday u kala
wayn yihiin, haddii wax murani ka yimaado marka caleen saarka waxaa la soo dhex
dhigayaa boqolka oday ee la taliya Ugaaska oo go’aan ka gaadhi jiray.
2. Waxa Ugaaska la talin jiray boqol oday oo Gadabuursiga laga soo dhex doorto.
Boqolka oday waxaa laga sii dhex dooran jiray afar oday oo Ugaaska mar walba
la jooga, waxaana lagu magacoodu wax uu ahaa afartaa oday Afarta Dhadhaar.
3. Xukunka ama maamuku waxa uu ahaa mid laga wada tashado oo (Shuuro) ah. Marka
arrin timaado Ugaaska iyo boqolka oday ayaa fadhiisan jiray si ay u xeeraan
arrinka marka jira, haddii uu arrintu noqoto mid aan wali hore loo arag waa
Ugub arrinku bay odhan jireen. Haddii arrintu noqoto mid hore loo soo arkay
oo xeer ka xeer ka yaalo waxay odhan jireen arrintu waa Curad. Wixii ugub ah
xeer cusub bay ka soo sari jireen. Amuur hore loo arkay haddii yahay arrinku
waxaa la raacayaa xeerkii ka jiray.
4. Marka ay timaado in la caleemo saaro Ugaaska marka hore waa in boqolka oday
ansixiyaan, ka dib waxaa la iskugu yeedhi jiray raga madaxda ka ah beesha Gadabuursi
oo ka kala yimaada jililb kaste oo Gadabuursi, taas waxay ahayd in loo dhanaado
caleemo saarkaa marka taagan.
5. Maalinta la caleemo saarayo Ugaaska oo ahayd xaflada ugu wayn waxaa loo
agaasimi jiray sida, waxaa Ugaaska la gayn jiray ceelka la yidhaahdo BAGI. Marka
lagu sii wado Ugaaska ceelkaas waxa uu sii fuulaa faras cad, waxaana sii galbin
jiray Ugaasku isagoo dhexda ugu jiro 50 farda fuul oo dhlinyara ah oo fardahoogii
wata lagana soo xulay inta jilib ee uu ka kooban yahay Gadabuusigu. Dhalinyaradaasi
waxay ku labisan jireen laba go’ oo cad cad iyo waran gaashaan. Ceelkaa
waxaa ku samaysan dhegax cad oo wayn. Dhagaxaa ayuu Ugaasku ku dul fadhiistaa
uu ku maydhan jiray. Marka uu maydho waxaa Ugaasku ku labisan jiray laba go’
oo cadcad oo cusub.
Marka Ugaaska laga soo celiyo ceelka waxaa la keeni jiray guri si fiican loo
daleeyay oo la dhisay intuu uu ku maqnaa ceelka Bagi. Waxaa meesha ku sugi jiray
Gadabuusi aad u fara badan. Ugaasku wax uu fadhiistaa ardaaga gurigaa. Seddex
gabdhood ayaa soo hor dhigi jiray seddex gorof oo ay ku kala jiraan caano lo’aad,
caano geel, iyo caano adhi. Ugaasku isagoon garanayn caanaha ku kala jira gorofyadaa
ayuu mid inta uu qaado ayuu kabadaa, Gadabuursi goobta joogay ayaa hugun iyo
mashxarad isku dari jiray. Waxay ay rumaysnaayeen caanaha uu hor kabaday Ugaasku
in ay xoolahoogu noqon doonaan ku tarma.
Laga bilaabo sacaada waxaa guriga agagaarkiisa lagu qaban jiray wax lagu magaacabo
Tumasho oo iskugu jira cayaaro, farada ku ciyaar, waxay na socon jirtay cayaartaa
iyo dabaal dagaasi muddo todoba cisho ah.
6. Waxaa kale oo xeer ahayd in qabiilooyinka aan jaarka nahay ee inagu meersan
in lagu la dhaqmo nabad, lagu na dadaalo nabadayn haddii uu khilaaf yimaado
oon dagaal lagu dagdagin.
7. Xukunka xagga diyada in la raaco sida Shareecada Isaamku dhigayso.
8. Umuuraha guurka,furiinka, iyo dhaxalka in la raaco sida ay tidhi Shareecadu
dhigaysaa.
9. Waxaa kale oo xeer ahayd (Gadabuursi waa beel ee ma ah bah) taas waxay sheegaysaa
in Gadabuursigu siman yahay oo laga fogaado qabyaalada Gadbuursiga dhexdiisa.
Waxaa ka marag kacaya xeerka marka Gadabuusigu uu ciyaarayo ciyartiisii GUCUSTA
labada kooxood ee wada ciyaaraya waxay la kala bixi jireen magacyo ka fog qabiil.
Magacyada ay la bixi jireen waxaa kala ahaayeen Agoon iyo Abooleh, Dacar joog
iyo Dhagax joog, Cankaable iyo Quude, Doob iyo Goobaale.
10. Waxaa jiray lix Oday oo Xeerbeegti ah, oo xeerka Gadabuursiga aad u yaqaana
hayayna xeerarka marka la dajiyo. Wixii xeer ah ee la isku qabto ama lagu murmo
lixdaa oday ayaa loo gayn jiray arrinka taagan. Waxay sheegi jireen waxii xeer
ah ee ka yaala dhacdadaa iyada ah. Ragaasi waxay aad ugu dadaali jireen xaga
Deedifada ama (Difaaca).
Barashada Tariikhda Ugaasyadeenna.
Dhalanka waxa lagu abiibiyaa barashada Tariikhdooda waxana loogu soo gudbiya
siyabo kala duwan.Waalidka iyo da,da kaa wayn ayaa qayb ka qadata gudbinta taariikhdaas.laakiin
qaadashadeeda iyo kaydinteda waa lagu kala fiicanyahay.Waxa jira dad aad u xiiseeya
taariikdooda isla markana isku daya inay wax ku kordhiyaan amaba xil iska saara
inay sii gudbiyaan.Runtii anigu waxan taariikhda iyo xadaaradda Samaroon bartay
oo aan xiiseeyey anoo yar oo dhigta dugsiga hoose.Ilaa iyo imika o aan DA,ahayna
weli xiiso badan baan u hayaa Tariikhdeena iyo inaan u gudbiyo jiilka iga yar.Waxan
ahaa qiyaastii 10 jir markii aan ogaaday in Samaroon Boqor lahaa ama ugaas.Waxay
ahayd J/Horato oo aan sanadkii u dambeeyey ee dugsiga hoose aan ku qaatay ka
dib markaan ka soo bedeshay dugsiga hoose ee Dila.J/Horato waxa weeye magalo
qadiim ah oo dhismaheedu ka horeeyey Borama.Waxa kaloo ku yaala J/Horato iyo
cadacad athaar qadiim oo isku jirta dhismayaal qadiim ah ,Biyo xidheeno iyo
talayooyin.
Waxa haddaba wakhtigaas aan ku jiray dugsiga hose e J/Horato aan ku ciyaari
jiray Geed weyn oo loo yaqaanay Geedkii Cilmi Dheere oo lagu Boqray Ugaas Cilmi.Geedkasi
waxa uu ahaa Geed weyn oo odayaashu ay hoostiisa ku shiri jireen oo ay garta
iyo talooyinkaba ku goyn jiren.Qasaskii an ku qaatay kutubta carabiga dugsiga
hoose waxa ku jiray qisaskii Boqorka iyo Ibnu waas.Geedkaa Boqorka ee lagu boqray
Ugaas cilmi ee aan yaraantii ku ciyaari jiray J/Horato waxan ku ogaaday inan
boqor lahaa sidaa aduunka kale.Markii aan woxooga koray waxan ogaaday inay J/Horato
ahayd halkii ay Degmada Borama ka timid.Faarax Timajilic oo ahaa Gabayaa ayaa
wufuudda xukuumadda somaliyeed ku soo dhaweyn jiray gabayo taariikh ah oo ka
waramaya J/Horato iyo boqortooyadii Ugaas Cimli.Dauud Camir oo ah gabayaa Caan
ah oo reer Dila ah oo tiriyey gabaygii caanka ee Cabdi/Tolwaa 1991 oo
ka hadlaya Faarax Tima Jilic.ayaa wax uu yidhi: "Cabsiiye iyo Faarax baad
Caliyow weydeene cidlan ka joogtaan maansadii cudada weyneyd eh".ka dib
markii faarax Tima-jilic geeriyooday
Cali Gabal waa jilib reer nuur ah o ay labada nin ka soo jeedaan, Cabsiiye
waxa uu awow u yahay Ibrahim Cabsiiye ARDAA President.Cabsiiye oo geraar ku
baraarujinaya Ducaale oo jufada Jooga ayaa waxa uu yidhi" Ma Ragii ina
dagay ee Ina Dawlad Wareejay ee Dumarkeenii Dumaasha ka yeelay ayaa Dekanahoodii
la sheegay oo Ducaaloy Hurudaa"
intabadan ciisuhu dagaal fol ka fool ah Gadabuursiga kagama guuleysan jirin.Laakin gaadmo iyo dakano ayey ku dili jireen abanduulayaasha iyo madaxda Samaroon.
Waxa uu Cabsiiye ka hadlayaa Col ciise oo xeebta ku dagay reero u qululay oo
ku dilay haldoor reer Nuur ah.ka dib Ducaale iyo Cabsiiye Farsahodii ayey Heenseeyeen colna way hor kaceen .ka dib Rer nuur ciise
oo dakan ayuu ka aarsaday.
Ducaale Waxa uu dhalay Cabdilaahi Ducaale oo aha duqeydii Reer nuur ee Jabouti.Cabdilaahi
Ducaale oo hawl gab ka galay shaqadiisii(Retirment) waxa uu ku shaqeysan jiray baabuur xamuul ah o ubaxa Borama-Jabouti markii dagaalkii Sokeeye bilaabmay 1988,waxa Xaaji Cabdillaahi baabuurkisii ku Bedeshay BEEBE Technico,waxanau difaac ka galay Jufada sadex sano ka dibna waxa dilay Xaajiga SNM 1990 Jufada isagoo ku jira difaac.Cabdilaahi
Ducale waxa ka hadhay rag dowr ah sida Qarboote, Suleyman iyo alaayraxama Col.Miyir.
1982 ayaan Hargeysa imid anoo kasoo qalinjabiyey Kuliyadda Lafoole.Waxan ku
takhasusay Cilmiga Tariikhda(History Major).Waxan buugaygii qalinjabinta/Lafoole
ka qoray Tariikh nololeedkii Muse Rabiile Good (alayarxama)Biography.Waxa aad iila weynaa
bal inan qof magac leh oo Samaroon ah aan wax ka qoro waxna ka barto.waxanan
aad u xiiseeyey inuu Muse Rabiile lixdankii ahaa ragii doorashada galay ee israacii
koonfur iyo Woqooyi Cigaal la Socday.Kadibna laga Reebay golihii barlamankii
Somaliyeed da, yaraan awgeed.
Arintaas markii ay ku dhacdayna ku guuleystay inuu ka qayb galo Saraakiil ciidamada
oo loo Diray Ingiriiska.halkaas oo 3 sano ka dib uu soo dhamaystay Tababar uu
ku qaatay Kuliyadda Ciidamada ee (Sandhurst Military Academy UK).Ugu dambayntiina 1969 kii inqilaabkii
Ciidamada ka mid noqday Golahihii Sare ee Kacaanka.
Waxan Muse Rabiile u sheegay markan siiyey koobi ka mid buugii Tariikh nololeedkiisi
inan doonayo inan tago woqooyi ilaa Jabouti oo aan qoro buug ku saabsan Tariikhda
Awdal.Wuu igu dhiiriyey taladaas waxanu ii qoray isagoo ahaa wasiirka Madaxtooyada
waraaq cidii arinkaasi khuseeyo aan ula tago karo oo official ah.Waxa kaloo si joogto iigu dhiiri galin jiray qoraalka iyo ururinta tariihdaas Awdal Jamac Guray Nour(Jamac Dookh).
Waxan Hargeysa kula kulmay Duqey Samaroon ah iyo saraakiil xukuumadda ka tirsan
oo aad isoo dhaweeyey.Waxan aad u xasuustaa kaalmadoodii Maxamed Cabdi dhinbiil
(Galbeedi)
Cumar shardi Buuni ,Suleyman Habane Cambalaash,Xaaji I braahim Nour,(Alaayrxama dhamantood) iyo Maxmed
Abdilaahi X.Obsiye.
Waxan Wareysigi u horeeyey la yeeshay Xaji Ibraahim Nour jamac Hargeysa .Wareysigii
ku xigay waxan la yeeshay Caaqil Ismaciil Xaaji Obsiiye oo ka yimid J/Horato
oo joogay gurigii Mohamed Obsiiye ee HARGEYSA.
Caaqil Ismacil Xaaji Obsiye oo 103 Jr ah waxa uu aad
igaga Waramay Asaaskii Degmada J/Horato, sidii loogu guuray Boorama/Beeraha
qodashadoodii,Qabsashadii xabashada ee J/horato 1911,Iyo Caleemo Saarkii Ugaas
Cilmi Warfa ee J/horato 1917.
La soco qeybaha kale ee so socda .Wax badan ayaad ka baran doontaa.
Mohamed Dirane